Gabar u dhalatay Jarmalka oo lagu afduubay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dabley hubaysan ayaa magaalada Muqdisho ku afduubay Haweeney u shaqeynaysay Gudiga caalamiga ee Laan-qeerta cas [ICRC], taasi oo dhalasho ahaan kasoo jeeda wadanka Jarmalka.

"Waxaan helnaya warka daqiiqado kadib markii la afduubay gabadha, hadda waxaan ka raadinaynaa magaalada, waxaan rajeynayaa inaan heli doono," ayuu yiri Maxamed Xuseen oo katirsan Booliska Soomaaliya.

Shaqaalah kale oo u shaqeeya ICRC ayaa xaqiijiyay in gabadhan u dhalatay Jarmalka lagala baxay qeybta dambe ee dhismaha Hay'aada ka degan tahay laami yaraha Zoobe ee degmada Wadajir.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in afduubka uu u dhacay qaab sahlan, iyadoo aysan wax iska caabin ah kala kulmin dableyda ilaalada Hay'adda, oo Afaafka hore ee irida fadhiya.

Ciidamada amaanka dowladda ayaa goobta xiray wax yar kadib afduubka, waxaana ay sheegeen inay wadaan baaritaan, inkastoo aysan faraha lagu heynin kuwii wax afduubay iyo Gabadha u dhalatay Jarmalka.

ICRC ayaa u kireysan Askar Soomaali ah oo dhanka amaanka ka taageera, lama oga in falkan afduubka laga soo abaabulay banaanka Hay'adda ama gudaheeda, oo ay fuliyeen rag katirsan Ilaalada.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka ugu khatarta badan oo shaqaalaha Hay'adaha ajnabiga lagu afduubo, sidoo kalena lagu dilo. Waxaa maalintii Talaadada lagu dilay Suuqa Bakaaro Maryan Cabdullaahi oo la shaqeynaysay WHO.

Maryan waxaa dilay rag bastoolado ku hubaysan iyadoo ku sugan Suuqa dhex-diisa, xili ay u adeeganaysay arooskeeda oo la filayay inuu dhaco Todobaadka soo socda, sida qoyskeeda ay xaqiijiyeen.

Bishii lasoo dhaafay, nin dhalinyaro ah oo la shaqeynayay ICRC ayaa lagu dilay qarax loogu xiray gaarigiisa xili uu kasoo baxay xarunta Hay'adda ee caawa afduubka uu ka dhacay.

Bishii Maarso, muwaadin u dhashay Uganda oo dhinaca karinta cuntada u qaabilsanaa UNICEF ayaa lagu dhex dilay xarunta Hay'adda oo ku yaalla Zoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM