​Galgaduud: Al Shabaab oo weerartay Militariga Ethiopia

Image

CEELBUUR, Somalia - Malleeshiyaad katirsan Kooxda Al Shabaab ayaa maanta oo Isniin ah weerar ku qaadey Kolonyo Gaadiid ay wateen ciidamada Ethiopia, ee ka howlgala gobolka Galgaduud.

Sarkaal military oo ku sugan Ceelbuur, ayaa GO u xaqiijiyay in weerarka u dhacay markii dagaalyahanada Al Shabaab Jidka uu galeen baabuur ay leeyihiin ciidamada Ethiopia oo ka tagey degmada Maxaas.

Weerarka waxa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Dab-ugaas, oo u dhaxeysa Ceel Buur iyo Waxbo, waxaana labada dhinac dhexmaray dagaal xooggan, oo qaatey mudo saacado ah, sida uu sheegay Sarkaalkaas oo magaciisa qariyay.

Deegaanada u dhaxeeya Ceelbuur iyo Maxaas, sida Waxbo iyo Dab-ugaas, waxaa maamula Al Shabaab, iyagoo inta badan sameeyaan weeraro noocaan ah, oo ku qaadaan Kolonyada Gaadiidka AMISOM iyo ciidamada dowladda Somalia.

Wali si rasmi ah looma oga khasaaraha dhacdadaa, balse Saraakiisha ciidamada dowladda Somalia ee degmada Ceelbuur waxay sheegeen in tiro kamid ah mallayshiyaadkii weerarka soo qaday la dilay.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay ciidamada AMISOM iyo ururka Al Shabaab, waxaase arrintan daba socotaa dagaallo tan iyo todobaadkii hore ka dhacay gobolkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM