GALMUDUG: Casir oo la sheegay in kalsoonida lagala noqday

Image

CADAADO - Xilldhibaano ku shiray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegay inay kalsoonida kala noqdeen Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi, Cali Gacal Casir kadib cod ay u qaadeen mooshin isaga laga keenay.

Kulanka oo uu shir gudoominayey Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug, Xareed Cali Xareed ayaa waxaa ka qeybgalay 147 Xildhibaan, kuwaaso dood adag ka yeeshay kalsooni kala noqashadda Gudoomiye Casir.

Cod gacan-taag ah ayaa loo qaaday mooshinka, waxaana taageeray 146 kamid ah Xildhibaan, halka mid kale uu ka aamusay codeynta, sida uu ku dhawaaqay shir gudoonka.

Wariyaasha fadhiga Xilldhibaanadda xaadirka ku ahaa ayaa soo wariyey in kulanka uusan goobjoog ka ahayn Gudoomiyaha xilka laga qaaday, kaasoo la tilmaamay inuu ku sugan yahay magaalada Muqdisho.

Talaabadan ayaa imaanaysa xili khilaaf siyaasadeed uu hareeyay hogaamiye-yaasha Galmudug, kaasoo sababay inay Labo garab u kala jabaan, iyagoo ku kala shaqeynaya Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Ma jiro jawaab rasmi ah oo uu Casir ka bixiyey go'aanka kalsooni kala noqoshada ee Xildhibaanada, balse wareysi uu bixiyey dhawaan ayuu ku sheegay in aanu aqbali doonin dhamaan go’aamadda kasoo baxa Xilldhibaanadda Mooshinka ka keenay.

Madaxweyne Xaaf ayaa lagu eedeeyay inuu ku guul-dareestay xalinta mashaakilka siyaasadeed ee la dagay maamulkiisa, gaar ahaan khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya ku xigeenkiisa iyo Cali Gacal Casir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM

Jubaland oo ka digtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday madaxda siyaasadda dalka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta midnimada iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 04:43PM