GALMUDUG: Casir oo la sheegay in kalsoonida lagala noqday

Image

CADAADO - Xilldhibaano ku shiray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegay inay kalsoonida kala noqdeen Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi, Cali Gacal Casir kadib cod ay u qaadeen mooshin isaga laga keenay.

Kulanka oo uu shir gudoominayey Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug, Xareed Cali Xareed ayaa waxaa ka qeybgalay 147 Xildhibaan, kuwaaso dood adag ka yeeshay kalsooni kala noqashadda Gudoomiye Casir.

Cod gacan-taag ah ayaa loo qaaday mooshinka, waxaana taageeray 146 kamid ah Xildhibaan, halka mid kale uu ka aamusay codeynta, sida uu ku dhawaaqay shir gudoonka.

Wariyaasha fadhiga Xilldhibaanadda xaadirka ku ahaa ayaa soo wariyey in kulanka uusan goobjoog ka ahayn Gudoomiyaha xilka laga qaaday, kaasoo la tilmaamay inuu ku sugan yahay magaalada Muqdisho.

Talaabadan ayaa imaanaysa xili khilaaf siyaasadeed uu hareeyay hogaamiye-yaasha Galmudug, kaasoo sababay inay Labo garab u kala jabaan, iyagoo ku kala shaqeynaya Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Ma jiro jawaab rasmi ah oo uu Casir ka bixiyey go'aanka kalsooni kala noqoshada ee Xildhibaanada, balse wareysi uu bixiyey dhawaan ayuu ku sheegay in aanu aqbali doonin dhamaan go’aamadda kasoo baxa Xilldhibaanadda Mooshinka ka keenay.

Madaxweyne Xaaf ayaa lagu eedeeyay inuu ku guul-dareestay xalinta mashaakilka siyaasadeed ee la dagay maamulkiisa, gaar ahaan khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya ku xigeenkiisa iyo Cali Gacal Casir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cadaadis Saaran Midowga Afrika Kadib Hubanti la'aan soo wajahday Howlgalka Soomaaliya

In la kordhiyo tirada ciidamada AUSSOM ugu yaraan 8,000 askari si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro Al Shabaab.

  • Soomaliya

    26-04-2025

  • 10:34AM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo afkiisa ka ilaaliyay in Puntland magaceeda ugu yeero

Mareykanka iyo dowladaha kale ee deeqbixiyaasha ayaa sheegay inaysan wax lacag ah ku bixin doonin howlgalka AUSSOM.

  • Soomaliya

    26-04-2025

  • 07:44AM