Galmudug iyo Jubaland oo ka hor-yimid sharciga doorashooyinka

Image

KISMAAYO, Jubaland – Dowlad Goboleedyadda Jubbaland iyo Galmudug ayaa si adag uga hor-yimid sharciga doorashooyinka ee Khamiistii ay meel-marisay Xukuumada federaalka ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Axmed Madoobe ayaa ku tilmaamay sharcigaasi "mid sharci darro ah maadaama aanan laga talogelin, isla markaana uu baalmsan yahay dastuurka".

Madaxtooyada Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa shaaciyey in meel-marinta xeerkaasi oo ay Laanta Fulinta isku kaliyeeshay "uu halis ku yahay geedi u socodka nidaamka Federaalka ah ee uu dalku qaatay".

Puntland oo horey ugu gacan-sayrtay xeerkaasi ayaa xukuumada Xasan Cali Khayre ay ku tartarsiisay in ay joojiso talaabooyinka ka hor-imaanaya Axdiga qaybo qoraalka ah.

Maamuladda ayaa saaxiibada caalamka ogeysiisay in aysan qayb ka aheyn go'aan kasta oo ay qaadatay xukuumada oo aanan waafaqsaneen dastuurka ku meel gaarka ah.

Tani ayaa ka dhigan in saddex kamida dowladaha xubnaha ka ah federaalka Soomaaliya ay qaadaceen sharcigaan, marka laga reebo HirShabelle iyo Koonfur Galbeed oo aanan wali caddeyn mowqifkooda.

Arrimahaan ayaa kusoo beegmaya iyadda oo lagu waddo in magaalada Garowe, caasimada Puntland uu ka qabsoomo shir wadatashi oo u dhaxeeya madaxda dowlada dhexe iyo maamulada.

WAR-SAXAAFADEEDKA JUBBALAND

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo sii daba-dheereeyay Khilaafka Siyaadeed

Ajendaha shirka waxaa ka mid ahaa taageeridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 09:11AM