Galmudug oo "ajaanib ku dishay" dagaalkii Baxdo

Image
Qoraalka Axmed Qoor Qoor ayaa lagu cadeeyey in kooxdu ay deegaanka uga tagtay meydadka 70 dagaalame.

MUQDISHO, Soomaaliya – Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, hoggaamiyaha Galmudug oo qoraal ka soo saaray dagaalkii Baxdo ayaa ku bogaadiyay maamulka, shacabka iyo culimada degmada Baxdo iyo ciidamada daraawiishta Galmudug, sida ay iskaga difaaceen weerarkii Al-Shabaab.

Qoraalka Axmed Qoor Qoor ayaa lagu cadeeyey in kooxdu ay deegaanka uga tagtay meydadka 70 dagaalame, hub iyo saanad ciidan, iyadoo la fashiliyey gaari ay u diyaariyeen inuu is-miidaamiyo.

“Dowladda Galmudug waxay ku ammaaneysaa Ciidamada qalabka sida, maamulka iyo shacabka degmada Baxdo sida feejignaanta leh oo ay uga hortageen dhagar qabayaasha oo xogtooda la sii hayay, halkaasna ay kala kulmeen dharbaaxo, kagana carareen maydad gaaraya 70 oo ay kamid yihiin sedex ajaanib ah, hub iyo saanad fara badan iyo gaari ay ku diyaariyeen walxaha qarxa oo lala damacsanaa in lagu wax yeeleeyo shacabka degmada Baxdo,” ayaa lagu war-saxaafadeedka.

Sidoo kale qoraalkaan ay baahisay madaxtooyada Galmudug waxaa lagu sheegay in weerarka kadib ay ciidamada daraawiishta Galmudug iyo kuwa qalabka sida ay ka howlgaleen deeganada hoos taga degmada Baxdo oo ay ku baacsadeen haraadiga Al-Shabaab-kii soo weeraray, “Iyagoona halkaas ugu dhigay cashar lama ilaawaan ah.”

“Dowladda Galmudug waxa ay ku tilmaamtay dagaalkii lagu jabiyay kooxda argagixisada, mid taariikhi ah, ayna mudantahay in geesinimada ay muujiyeen reer Baxdo in ay kaga tusaale qaataan shacabka Galmudug iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu danbeyntii, madaxweynaha Galmudug, waxa uu Eebbe uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo intii ku dhaawacantay, janadii Firdowsana ka waraabiyo intii ku shahiiday dagaalkii Baxdo.

Baxdo oo dhacda deegaanada fog ee Bariga Galgaduud ayaa waxaa ku sugan culimo Owdiin is abaabulay si ay uga hortagaan weerarada kooxda Al Shabaab ay ku soo qaadeen dhowr mar waxa ay garab ka helaan maleeshiyaadka deegaanka ah iyo Dowladda Faderaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM