Galmudug oo dil toogasho ku fulisay rag dilay labo qof walaalo ahaa

Image
Dambiileyaasha ayaa lagu kala magacaabaa Nuur Cabdi Maxamed, Shuceyb Maxamed Faarax Aadan, iyo Bile cabdullahi Xasan.

DHUUSOMAREEB, Galmudug - Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay goordhow dil toogasho ah ku fulisay raggii dilay Macalinkii iyo Dhakhtarkii walaalaha ahaa.

Toogashada ayaa lagu fuliyay Nuur Cabdi Maxamed, Shuceyb Maxamed Faarax Aadan, iyo Bile cabdullahi Xasan, kuwaa oo hore u dilay Dr Axmed Xasan cusmaan iyo Macallin Axmed Xasan Cusmaan oo ahaa walaalo.

Sikastaba, fulinta xukunkan dilka toogashada ah ayaa waxa uu hadalheyn badan ka dhaliyey guud ahaan baraha bulshadda halkaas oo dadweynaha ay kusoo dhaweynayaan talaabadan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM