Galmudug oo heshiis kala dhex dhigtay beelihii ku diriray Galgaduud

Image
Madaxweynaha Dowladda gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa gaaray deegaannada lagu dagaalamay.

MUQDISHO, Soomaaliya -  Madaxweynaha Dowladda gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa gaaray deegaanno ka tirsan waqooyiga Gobolka Galgaduud, kuwaas oo maalmo ka hor uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya beelo walaalo ah oo ood wadaag ahaa.

Madaxweynaha oo halkaas ka furay gogol nabadeed ayaa la kulmay odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac, isagoo kala hadlay sida ay muhiim ugu tahay in la gaaro xal deg deg ah iyo nabad waarta oo labada dhinac dhexmarta.

Bilowga gogosha nabadeed ayaa la isla qaatay sedax qodob oo Kala ah;

1: In xabad joojinta la isla qaatay la dhaqangeliyo , iyo sidoo kalena lala shaqeeyo Ciidamada ammaanka.

2: In la kala qaado maleeshiyaadka.

3: In dhinacyadu usoo diyaar garoobaan gogol nabadeed oo la dhigay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM