Galmudug oo shaacisay qodobada keenay in uu fashilmo shirkii Garowe

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Maamulka Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa ku dhawaaqay in uu fashil kusoo idlaaday Shirkii Wadatashiga ee Garowe uga socday lixdii maalmood ee lasoo dhaafay caasimada Puntland.

Xafiiska madaxweyne Xaaf ayaa guuldarada ku timid shirkaasi waxa uu eedeeda dusha kaga tuuray dowlada oo tilmaamay in ay qaaday "talaabooin xagal-daacinaya kulanka iyo ajendeyaasha mudnaanta leh".

Sidda uu horey u baahiyey warsidaha Garowe Online, qodobada la isku mari waayey waxaa kamida; sharciga doorashooyinka qaranka, bartoolka, dastuurka, xalka khilaafka Galmudug iyo doorashada 2020-ka.

"Dowladda waxay kaloo kasoo bixi wayday qodobadii lagu balamay Shirkii Garowe ee bishii June ee ahaa in ay joojiso farogelinta maamulada Galmudug iyo Jubbaland," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Geesta kale, Xaaf ayaa ku eedeeyay madaxda dowlada federaalka in ay "ixtiraam daro u muujiyeen" heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Sunna ee Jabuuti, ka hadalka maqaamka Muqdisho iyo arrimo kale oo masiiri ah.

Xogta uu GO ka helay shirka waxay intaasi raacineysaa in arrimaha kale ee fashilka ku keenay Shirka ay qayb ka tahay markii Xaaf iyo Madaxtooyada Soomaaliya isku afgaran waayeen xil-haynta hogaamiyaha Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa doonaya in uu xafiiska soo joogo afarta sano ee soo socota, halka xukuumada ay raadineyso in bartamaha sanadkaan doorasho la qabto, inkasta oo ay ogolaatay hal sano oo ay ugu kordhiso.

"Hogaanka dowlada federaalka waxay diideen wadashaqeyn ay la yeeshaan maamulada … Galmudug waxay talo ka yeelaneysaa arrintaasi iyada oo kaashaneysa saamileyda siyaasadeed ee dalka," ayaa lagu yiri qoraalka.

Hadalka kasoo yeeray madaxtooyada Galmudug ayaa imaanaya xili madaxda maamualda ay ka diideen dowlada federaalka dadaalo ku aadan shirka laga soo saaro war-murtiyeeda ay isaga ilaalineyso waji gabax.

Geesta kale, madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubbaland ayaa saaka ka dhoofay Garowe. Axmed Madoobe ayaa ku laabtay Kismaayo halka Xaaf uu kusii jeedo magaalada Nairobi, xarunta dalka Kenya.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Khaatumo oo saxiixey qoraal lagu jiritaan tirayo maamulka Jubaland

Qodobka lixaad ee warmurtiyeedka ayaa sheegay: "GWQ waxa uu isku raacay…

  • Soomaliya

    09-05-2025

  • 05:52PM

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM