Galmudug oo shuruud ku xirtay ka qaybgalka shirka Golaha Amniga

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Maamul goboleedka Galmudug ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Shirka Golaha Amniga Qaranka ee uu Madaxwayne Farmaajo isugu yeeray hogaamiyaasha maamuladda.

Shirkaan oo lagu wado in uu dhamaadka bishaan April 2019 ka qabsoomo magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa la filayaa in diirada lagu saarey amniga, xiriirka maamulada iyo dowlada iyo arrimo kale.

Sidda ku cad war qoraal ah oo kasoo baxay wasaarada warfaafinta Galmudug, maamulkaas ayaa ka qaybgalaya shirkaasi kaliya marka ay Madaxtooyadda Soomaaliya xayiraada ka qaado qoondada uu ku leeyahay deeqda caalamka.

Galmudug ayaa laga joojiyay lacagtaasi iyo gargaar ay ka hesho dunida inteeda kale kadib markii uu qarxay khilaafka Villa Soomaaliya iyo maamulkaasi oo taagan tan iyo sanadkii hore.

Cabdiwali Jaamac Bare, afhayeenka madaxtooyada Galmudug, ayaa u xaqiijiyay warsidaha Garowe Online in bayaanka wasaarada warfaafinta uu yahay mid ay ka war-qabaan hogaanka maamulkaasi.

Galmudug ayaa noqonaya maamulkii ugu horeeyay ee ka fal-celiya casuumaada uu Farmaajo u fidiyay dowladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka ee ku aadan kasoo qaybgalka shirka Golaha Amniga.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM