Galmudug oo sii daysay Wariye ay shalay xukun ku riday

Image

DHUUSAMAREEB - Maamulka Galmudug ayaa maanta xabsiga kasii daayay Wariye lagu magacaabo Maxamed Cabdiweli Tooxow, oo la shaqeeya Idaacad ku taalla Muqdisho iyo Universal TV.

Saxufiga oo shalay waxaa lagu xukumay 6 bilood oo xabsi ah, ayaa la xirey 22-kii bishii hore ee September kadib markii ay lagu soo eedeeyay faafinta warar saraakiisha Galmudug ay dhibsadeen, oo amaanka ku saabsan.

Qodobada lagu soo eedeeyay waxaa kamid ah inuu Idaacad ku taalla Muqdisho u diray war been ah oo ku saabsan in Al-Shabaab ay maamusho inta badan Galmudug iyo in ciidamada maamulka ay qabteen xubno ONLF ka tirsan kadibna loo dhiibay Itoobiya.

Sii daynta wariyaha ayaa ka dambeysay markii dedaallo ay sameeyeen suxfuyiinta gobolka Galgaduud, Odayaasha beeshiisa iyo saraakiil kale oo ka codsaday Galmudug inay xorriyadiisa dib ugu celiso.

Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay inay kamid tahay meelaha ugu halista badan ee uu suxufi ka howlgala, waxaana loogu geystaa wariyaasha falal isugu jira; dilal, afduub, jirdil iyo caburin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xog: Villa Somalia oo Firdhiye u Wadda Madaxtinimada Khaatumo

Gudoomiyihii hore ayaa magaalada Laascaanood la tagey ergooyin ka kooban…

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 07:00PM

Xog ku saabsan Kulankii Xasan Sheekh iyo Mucaaradka ku yeesheen Villa Somalia

Iyadoo waqtigu si xawli ah ugu socdo doorashada 2026, hoggaamiyeyaasha Soomaaliya waxay wajahayaan caqabado culus.

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 07:32AM