Ganacsiga Baledweyne oo istaagay kaddib qiima dhac ku yimid Shilin Soomaaliga

Image

Ganacsiga Baledweyne oo istaagay kaddib qiima dhac ku yimid Shilin Soomaaliga.

Dibadbaxyo ayaa saaka ka dhacay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kadib markii uu istaagay ganacsiga magaaladaasi. 

Ganacsiga ayaa istaagay kadib markii uu qiimo dhac ku yimid lacagta shilinka Soomaaliga oo markii hore boqolka dollar lagu sarifi jiray labo milyan iyo labo boqol oo kun, balse saaka ayaa waxa lagu sarifayay boqolka dollar sedex milyan iyo sedex boqol oo kun oo shilin Soomaali ah taasoo keentay in ganacsatadu diidaan in ay qaataan lacagta shilin Soomaaliga iyagoo wax ku iibinayay dollar oo kaliya. 

Maamulka gobolka ayaa amar ka soo saaray qiime dhaca ku yimid shilinka Soomaaliga iyagoo ku amray sariflayaasha in halkiisii hore lagu celiyo. 

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa taleefanka Baledweyne kula hadlay duqa magaaladaasi Cumar Adan Ibrahim (Cumar Badiyow) wuxuuna marka hore weydiiyay amarada ay soo saareen.

BBC

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM