​Garaad caan ahaa oo Geeriyooday

Image

Waxaa dalka Sweden ku geeriyooday AHN Garaad Abshir Garaad Saalax oo kamid ahaa waxgaradka kasoo jeeda gobolka Sool iyo degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn, wuxuuna geeriyooday isagoo jira da'da 82.

Garaadka ayaa u geeriyooday xanuun in muddo ah hayay, isagoo dunida uga tagay 32 ruux oo isugu jira ubadkiisa iyo kuwo ay dhaleen.

Madaxweynaha Somaliland, Siyaasiyiin, Isimo, Garaado iyo Cuqaal ayaa diray tacsi ku aadan geerida ku timi marxuumka oo aad looga yaqaanay geyiga Somalida islamarkaana doorweyn kasoo qaatay nabadayn colaado dhacay.

AHN Garaad Saalax Abshir ayaa saldanada Garaadnimo hayay in kabadan 20 sano isagoo intii ka horaysay waqtigaasina kamid ahaa dowladdii Maxamed Siyaasad Barre oo kamid ahaa saraakiisha ciidamada Booliiska.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM