Garoonka Muqdisho oo qashinka laga mamnuucay iyo xeebta oo dayacan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gudaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, Aadan Cadde, ka mamnuucday qashinka, sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed.

Bayaanka oo ku taariikheysan 1-da bisha June, kana yimid xafiiska ra'iisul wasaare ku xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa ku socday Wasiirka Duuliska, xafiisyada AMISOM iyo Qaramada Midoobay.

Xukuumada ayaa ku dooday, sidda ku cad warka qoraalka ah oo nuqul kamida uu helay warsidaha Garowe Online, in talaabadani ay qaadey markii ay soo baxeen walaac caafimaad iyo badqab.

Waxyaabaha laga mamnuucay in lala galo madaarka caalamiga ah ee magaala madaxda dalka Geeska Afrika ku yaala ayaa waxaa kamid ah; haraadiga daawooyinka, agabyada gubtay iyo qashinka birta ah.

Tani ayaa waxay kusoo beegmeysaa iyadda oo xeebta oo aan sidaasi uga fogeyn garoonka diyaaradaha ay dayacan tahay isla markaana ay noqotay goob qashinka magaalada lagu shubo, si qarsoodi ah.

Su'aalaha bulshada isla dhex-mareyso ee ay had iyo goor is-waydiinayaa ayaa ah; muxuu yahay qorshaha degan ee lagu dabagelayo arrintaasi isla markaana looga hortegayo in aysan taasi dhicin?

Xeebta oo ay u damaashaad tagaan boqolaal caasimada ku nool, maalinkii, ayaa wajahaya halis dhanka caafimaadka, iyadda aysana jirin qorshe dowlada iyo maamulka gobolka u degan si wax looga qabto.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM