Garsooriyaasha Maxkamadaha oo xilka qaadis loogu hanjabey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya, Baashe Yuusuf Axmed ayaa uga digay Garsooriyaasha inay ku dhaqmaan cadaalad darro, oo cidii lagu helo falkaasi la kulmi doonto cawaaqib aan la mahdin.

Baashe ayaa ugu goodiyay Garsoorihii lagu helo caddeymo ku saabsan inuu cadaalad daro wax ku xukumo xilka laga qaadi doono, sidoo kalena uu xabsi muteysan doono.

Wuxuu intaas ku daray in Garsoorka uusan ahayn wax lacag laga sameeyo, balse uu yahay mid Shacabka loogu adeego oo cadaalad loogu sameeyo, hadii taasi laga waayo, ayuu tilmaamay Gudoomiyaha in aysan jiraynin nabad iyo amaan.

"Hadii aad tahay Garsoore u yimid maxkamadda inuu lacag ka sameeyo dib isaga laabo, Garsoorku ma ahan sidaasi. Waa meel bulshadda loogu cadaalad fallo, Garsoorihii cadaallo darro wax ku xukumaa xilkiisa ayuu weyn doonaa," ayuu yiri Baashe.

Hadalka Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Talaadadii lasoodhaafay laga her-geliyay Muqdisho qalab la sheegay inuu Casri yahay, islamarkaana lagula soconayo dhaqdhaqaaqyadda Maxkamadaha dalka.

Wasiirka Cadaaaladda Soomaaliya, Xasan Xuseen Xaaji iyo Gudoomiyaha Maxkamadda sare, Baashe Yuusuf Axmed ayaa si wadajir ah u daah-furay mashruuca lagu her-gelinayo barnaamijkan, kaasoo la sheegay inuu wax badan soo kordhin doono.

Garsoorka dalka Soomaaliya ayaa tan iyo burburkii dowladii dhexe sanadkii 1991-dii waxaa lagu eedeeyaa inuusan ahayn heerkii looga baahnaa, balse, qalabkaan cusub ayaa waxaa laga dhursugayaa isbedelka uu sameyn doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir: Puntland kama qeybgalayso Shir aan ahayn Gogoshii MW Deni iyo Beesha Caalmka ku baaqeen

Mar hadii shirarka Gollaha Wadatashiga aan looga hadlayn arrimaha muhiimka ee la isku khilaafsan yahay ee salka ku haya dastuurka...

  • Soomaliya

    02-05-2025

  • 05:33PM

Soomaaliya: Fariin loo direy Baarlamaanka oo sheegaysa kulan Sabtida ah – Buuqa oo sii xoogeysanaya

Fadhigii ugu dambeeyey ee Golaha ayaa suurtagal noqon waayey kadib markii…

  • Soomaliya

    02-05-2025

  • 11:56AM