Geelle oo ka hadlay khilaafka Villa Soomaaliya iyo Jubaland
MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa waxa uu markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex-aloolsan Villa Soomaaliya iyo Jubbaland.
Ismaandhaafka oo sii xoogeystay bishii August ayaa wuxuu salka ku haya arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka maamulkaas.
Axmed Madoobe ayaa dib loogu doortay doorasho 22-kii bishaas ka dhacday Kismaayo. Balse xukuumadda oo diidey waxay qaadey talaabooyin ay cadaadis ku saareyso dowlad goboleedka.
Go’aanadda oo aad loo cambaareeyay ayaa waxaa kamid ah xayiraad dhanka socdaalka magaaladda Kismaayo. "Go’aaminta" waxay sii xumeysay xaaladaha bini'aadanimo ee caasimadda.
Waxaa intaa wehlisa xariga ay kula kacday Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan oo tan iyo 1-dii September 2019 ku xiran Muqdisho isaga oo aan maxkamad lasoo taagin.
Janan ayaa laga qabtay Aadan Cadde isaga oo ka yimid Doolow kuna sii jeeda Addis Ababa, caasimadda Itoobiya, halkaasi oo uu kula balansanaa mas'uuliyiin wadankaas ka tirsan.
Inkasta oo la sheegayo in daaha gedaashiisa ay ka socdaan isku dayo dhinacyo kala duwan ka imaanaya oo la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda, haddana ma muuqato isu soo dhowaanshiyo.
Xukuumadda federaalka ayaa dhowaan u diiday Sheekh Shariif, madaxweynihii 7aad ee dalka, in uu u safro Kismaayo si uu kaga qeybgalo caleema saarka Axmed Madoobe oo dib loo dhigay.
Munaasabadda oo lagu waddey in ay qabsoonto 26-ka September ayaa haatan dib u dhacday, wallow aan la muddeyn xili kale, haddana "sida ugu dhow ayaa la filayaa in ay ku qabsoonto".
Geelle, oo wareysi siiyey laanta Af Soomaaliga ee VOA-da, ayaa dhinacyadda usoo bandhigay laba qodob oo xal kama dambeys ah u noqon kara is-qabqabsigooda "saameynaya bulshadda".
"Waxaa lagu xalin karaa wada hadal iyo isu-tanaasul," ayuu ku jawaabay markii wariyaha wareysiga ka qaadey uu waydiiyey su'aal ku saabsan wuxuu yahay xalka.
Dhinaca kale, Geelle oo wax laga waydiiyey wada hadaladda dowladda federaalka iyo Somaliland ayaa rajeeyay in dhowaan dib loo bilaabi doono. "Annaga quus mana qaano," ayuu ku daray.
GAROWE ONLINE