Geelle oo la hadlaya Xildhibaanada labada Aqal ee Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shir deg deg ah ayaa la isugu yeeray mudanayaasha labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, sida ay Garowe Online u xaqiijiyeen Xildhibaano.

Kulankaan oo ka qabsoomi doono xarunta tababarka ciidamada Booliska Soomaaliya ee General Kaahiye, degmada Xamar Jajab ayaa waxaa ka qeyb geli doonta madax sarre.

Mas'uuliyiinta halkaasi khudbad ku yeelan doonta waxaa kamid ah Ismaaciil Cumar Geelle, madaxwaynaha Jabuuti, kaasi oo shalay oo Sabti ah soo gaarey magaalada Muqdisho.

Amaanka magaala madaxda ayaa aad loo adkeeyay iyadda oo la xiray wadooyinka soo gala halka uu shirku ka qabsoomayo laguna arkayo ciidamo dheeraad ah, si ay uga hortagaan weeraro.

Fadhigaan oo aan qayb ka ahayn kulamada caadiga ah oo ay yeeshaan Gollaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa imaanaya iyada oo aan wali la furin kal-fadhiyada labada Aqal, khilaaf jira awgeed.

"Kulanka xalay ayaa la qorsheeyay…waxaana Xildhibaanada loo diray fariimo looga dalbanayo in ay kasoo qaybgalaan…Madaxwaynaha Jabuuti ayaa ka hadli doona," ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

Ismariwaaga labada Aqal ee Soomaaliya ayaa salka ku haya dhowr arrimood oo ay ugu muhiimsan yihiin; meel-marinta Miisaaniyada, Shirarka caalamiga ah iyo Siyaasada maamul goboleedyadda.

Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa horey u balanqaaday in la xalin doono khilaafkaan, wallow aysan muuqan talaabo horey loo qaado.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Aqalka Sare uu iclaamiyay in uu furmi doono Kal-fadhigiisa 5aad 16-ka bishaan oo ay ku beegneed shalay, balse dib u dhac ayaa ku yimid, sababo ku aadan booqashada Geelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM