Go'aan ka dhan ah Wasaaradda Kalluumeysiga DF oo kasoo baxay Kismaayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib kulan labo maalmood qaatay oo ka dhacay magaaladda Kismaayo ee xarunta KMG dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa gaba-gabaddii laga soo saaray war-murtiyeed ka koobnaa dhowr qodob.

Qodobadda waxaa kamid ah mid ay ku shaaciyeen inay ku hakiyeen wadashaqayntii ay la lahaayeen Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sida ku xusan war-murtiyeedda, maamuladda dalka ma aqoonsan doonaan wixii hadda ka dambeeya wixii quqsad [Fishing License] ah oo ay xukuumadda Ra'iisul Wasaare Khayre siiso Shirkadaha ajnabi ee ka kalluumeysta xeebaha dalka.

Waxay qiil uga dhigeen go'aankooda in Wasaaradda Kalluumeysiga dowladda Federaalka ku guul dareysatay inay u hogaan-santo heshiis ay horey ula gashay dowlad goboleedyada oo ku aadan kalluumeysiga.

"Xiriirkii wadashaqeyn ee aan la lahayn Wasaaradda Kaluumeysiga dowladda Federaalka waan hakinay, mana aqoonsan doono ruqsadaha ay bixiso," ayaa lagu yiri War-Saxaafadeedka.

Dowlad Goboleedyadda ayaa lagu yiri qoraalka waxay u tix-gelin doonaan ruqsad walba oo ay bixiso Wasaaradda Kalluumeysiga xukuumada Federaalka mid lamid ah Kalluumeysiga sharci daradda ah ee dalka ka jira.

Go'aanadaan ayaa kusoo beegmayaa iyadoo shirkii ka dhacay bishii June Baydhabo ay madaxda maamullada iyo dowlada dhexe ku gaareen heshiis ku saabsan qeybsiga khayraadka dalka, oo kalluumeysiga uu kamid yahay.

Talaabadaan cusub ayaa waxaa nan la ogayn waxa dhabta ah ee ka dambeysa, illaa iyo haddana Wasaaradda Kaluumeysiga dowladda Federaalka wax jawaab ah kama aysan bixin eedaymaha culus oo ay usoo jeediyeen kuwa dowlada goboleedyada.

Mudooyinkii dambe xiriirka maamuladda qaar iyo waliba dowladda Federaalka ayaa ahaa mid sii xumaanayay, waxaana taasi ay xitaa kasoo muuqatay shirka arrimaha Soomaaliya ee Talaadii lagu soo xiray magaalada Brassels ee dalka Belgium-ka.

Shirkaan Wasaaraddaha Kaluumeysiga maamullada ayaa ahaa kii ugu horeeyay oo noociisa ah oo xiriirka wadashaqayneed ugu jarayaan dhigooda dowladda dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka iyo Ukraine oo Kala Saxiixday Heshiis Dhaqaale Kadib Markii Trump Dood Keenay

Ra’iisul Wasaaraha Ukraine, Denys Shmyhal, oo qoraal ku daabacay baraha bulshada ayaa…

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 12:54AM

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM