Go'aan laga soo saarey musaafurinta Soomaali kufsi lagu eedeeyay
LONDON, UK – Maxkamad heer sarre ah oo ku taala dalka Ingiriiska ayaa go'aan kama dambeys ah waxay kasoo saartay musaafurinta Soomaali lagu eedeeyay fal kufsi ah oo 2009-kii loogu xukumay 9 sano oo xarig ah.
Yacquub Axmed ayaa 2018-kii ka badbaadey in lasoo tarxiilay kadib markii rakaabka duulimaadka oo aan ka war ahayn dambiga loo haysto ay ka mudaaharaadeen soona jeediyeen in aan la musaafurin karin.
Saraakiisha ayaa ku qasbanaaday in ay dib u soo celiyaan, waxaana halkaas uga bilowday dagaal sharciyeed oo saddex sano qaatay, balse u muuqaneyso in haatan uu soo afjarmay kadib go'aanka ah in la tarxiilo.
Eedeysanaha loo haysto faraxumeynta gabar 16-jir ah oo la xusay in ay soo luntay ayaa ku dooday amniga Muqdisho uusan ahayn mid aan leysku haleyn karin si lamid ahna aysan jirin cid uga horeysa.
Sidoo kale, wuxuu ku andacooday in markii uu yaraa lagu qafaashay magaaladda Muqdisho isla markaana uu in muddo ah lagu shaqeysanayey.
Intaas waxaa wehlisa, Yacquub, sidda ku xusan warbixinada warbaahinta, wuxuu cuskaday in uu xanuunsan yahay gaar ahaan dhanka maskaxda.
Hase ahaatee, baareyaal loo saarey sheegashadaas ayaa soo xaqiijiyey "in aysan waxbo ka jirin," iyagoo tilmaamay in ammaanka Muqdisho uu soo fiicnaanayo isla markaana Al-Shabaab laga adkaanayo.
30-jirkaan isagoo 14-jir ah la geeyay Ingiriiska ayaa lagu waramay in uu falka kufsiga ku kacay 2007-dii uuna ka dhacay Trafalgar Square oo ka tirsan magaala madaxda boqortooyadda Britain ee London.
Dhowr jeer ayay horey u dhacday qaar kamid ah wadamadda caalamka in laga soo musaafuriyo Soomaali lagu eedeeyay dambiyo kala duwan, hase ahaatee, waxaa hooseysa cadaalada ay helaan marka iyaga la dhibaateeyo.
GAROWE ONLINE