Golaha Shacabka oo ansixiyey sharci muhiim u ah ciribtirka musuqa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah ansixiyay hindise sharciyeedka dhismaha guddiyada la dagaalanka musuq maasuqa.

149 xildhibaan oo kamid ah mudaneyaashii kulanka kasoo muuqatay ayaa ogolaaday, waxaa ka aamusay 1 sharcidejiye, waxaana diiday mid kale, sidda uu ku dhawaaqey gudoonka Aqaka.

Afhayeenka Aqalka Hoose Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa meel-marinta golaha ka dib hadlay ayaa wuxuu sheegay in xeerkan uu ka qeyb-qaadanayo sidii loo ciribtiri lahaa musuq-maasuqa.

Mr Mursal ayaa u mahad-celiyey Xildhibaanada meel-mariyey xeerkan oo soo maray saddex akhrin isla markaana ay dood adag ka yeesheen xeer-dejiyeyaasha.

Sharcigan ayaa loo gudbinayaa Aqalka Sarre oo kolkii hore dib soo celiyey si uu dhankiisa uga guto waajibaadka kaga aadan, wax ka bedel ama ku daris-na ugu sameeyo kahor inta uusan cod u qaadin.

Marka uu nidaamkaasi kasoo gudbo waxaa la wareegi doona xafiiska madaxweynaha, iyadda oo uu ugu dambeyntii uu qalinka ku jiidi doono hogaamiyaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Soomaaliya ayaa la sheegaa in ay safka hore kaga jirto wadamada ay ka jiraan wax is-dabarimarinta badan, iyadda oo la tilmaamo in mas'uuliyiinta ay dhaqaalo ku bixiyaan sidii ay jagadooda u daafacan lahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Garoonka Diyaaradaha Doolow oo Dib Loo Furay Kadib Xayiraad Mudo Socotay

Mudadii ay xayiraaddu jirtay, dad badan oo ka yimid gobolka Gedo ayaa la daalaa dhacayay helitaanka adeegyada caafimaad.

  • Soomaliya

    11-05-2025

  • 01:25PM

Muqdisho: Imisa ku dhimatay, kuna barakacday Roobkii Fatahaadda sababay?

Sanadkii 2023, in ka badan 100 qof ayaa ku dhintay, halka in ka badan hal milyan qofna ay ku barakaceen daadad la xiriiray cimilada El Niño.

  • Soomaliya

    11-05-2025

  • 09:38AM