Golaha Shacabka oo beeniyay in mid ka mid ah shaqaalahooda uu ku lug lahaa weerarkii SYL

Image
Mid ka mid ah kooxdii weerarka geystay ayaa la sheegay in uu watay kaarka aqoonsiga Baarlamaanka.

Muqdisho, Soomaaliya - Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa beeniyay wararka sheegaya in mid ka mid ah shaqaalahooda uu ku lug lahaa weerarkii AS ee ku qaadeen Hotel SYL ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 3 askari, 27 qofna ay ku dhaawacmeen.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Cabdiraxmaan Muxumed Cabdulle (Jaabiri), ayaa sheegay in kaarka aqoonsiga ee baraha bulshada dhex wareegaya uu yahay mid been abuur ah.

“Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS waxaa uu shacabka Soomaaliyeed u cadeynayaa in aqoonsiga lifaaqa hoose ka muuqda uu yahay been abuur, isla-markaana shaqsiga meesha ka muuqda uusan kamid ahayn shaqaalaha Golaha Shacabka” ayuu raaciyay Xoghayaha.

Warar lagu baahiyay baraha bulshada ayaa sheegayay in mid ka mid ah kooxihii weerarka geystay oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Liibaan uu watay kaarka aqoonsiga shaqaalanimo ee Baarlamaanka si uu ugu soo maro wadooyinka si fududna uga gudbo kontaroolada ciidamada amaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM