Golaha Shacabka oo ansixiyey sharci sababay burburka Shirkii Garowe

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah ah waxa uu kulan ku yeeshay xaruntiisa magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Fadhiga kulanka oo ay soo xaadireen 145 mudane ayaa waxaa gudoomiyey Cabdiwali Ibraahim Muudey, ku xigeenka labaad ee afhayeenka Golahaasi.

Ajendayaasha kulanka lagu gorfeeyay ayaa waxaa jirayku  Sharciga Qeybsiga Kheyraadka, Heshiiska caalamiga ee Naafada iyo Xeerka Saxaafada madaxa banaan.

Dood dheer kadib, xildhibaanada ayaa meel-mariyey Qeybsiga Kheyraadka iyo heshiiska naafada xili ay dib u celiyeen xeerka saxaafada oo akhrinta labaad maraya, kaasi oo wax ka bedel lagu sameeyay.

Sharciga Qeybsiga Khayraadka oo qaraar Baarlamaani ah ayaa waxaa ogolaatay 140 mudane, waxaa ka aamustay 5 Xildhibaan xili uusan jirin Sharcidejiye kasoo horjeestay.

Si lamida Axadiga Caalamiga ah ee Nafaada ayaa waxaa ka aamusay hal Xildhibaan, waxaana u coddeysay 144 mudane oo xaadir ku ahayd fadhiga Aqalka Hoose.

Hindisa Sharciyeedka Qeybsiga Kheyraadka ayaa waxaa soo gudbiyey oo uu soo gudbiyey Guddiga Kheyraadka ee Golaha ayaa waxaa horey u qaadacay maamul goboleedyadda qaar.

Dowladaha xubnaha ka ah federaalka Soomaaliya ayaa ku doodaya in sharcigaan, oo ay dhinacyada ku heshiiyeen Shirkii Baydhabo 2018-kii, ay xukuumada wax ka bedeshay sidii ay isku raaceen.

Xeerkaan ayaa sidoo kale qayb ka ahaa qodobadii keenay in lagu kala dhaqaaqo Shirkii Garowe, maadaama ay xukuumadu diiday in ay joojiso Sharciga inta heshiis siyaasadeed laga gaarayo.

Intaasi waxaa wehlisay in Sharciyada Bartoolka iyo Doorashooyinka oo ay maamuladu ku gacan-seyreen in ay horyaalaan Golaha Shacabka, wallow midka doorashada aanan lagu soo darin ajendyaaasha Aqalka.

Hindisa Sharciyeedka Qeybsiga Kheyraadka ayaa wuxuu qeexayaan saamiga ay maamuladu iyo dowladda ku yeelanayaan hadii goboladda laga soo saaro Kheyraad sida Shidaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Khaatumo oo saxiixey qoraal lagu jiritaan tirayo maamulka Jubaland

Qodobka lixaad ee warmurtiyeedka ayaa sheegay: "GWQ waxa uu isku raacay…

  • Soomaliya

    09-05-2025

  • 05:52PM

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM