Golaha Wasiirada oo ansixiyey heshiisyo lala galay Qadar iyo Shiinaha

Image
Shirka waxaa guddoominaayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa.

Shirkan ayaa lagu ansixiyey heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha, kaas oo ku saabsan hirgalinta hindisaha horumarinta Adduunka, iyo heshiis is-afgarad wada shaqayn iyo iskaashi u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Qatar.

Shirka oo uu guddoominaayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa  lagu soo bandhigay Warbixino ku saabsan halka uu marayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025 – 2029) iyo Bulshada Bariga Afrika.

Waxaa kale oo warbixin laga dhagaystay Wasaaradda Beeraha oo ka warbixisay wax-soo saarka dalka iyo xaaladda Beeraleyda Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM