Golaha wasiirada Somalia oo ansixiyey heshiis
MUQDISHU- MUQDISHU- Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake, iyadoo lagu ansixiyay qodobadii laga soo saaray shirka madaxda Somalida ee Muqdishu.
Qoraalka kasoo baxay shirka golaha wasiiradda Somalia ayaa qaabkan hoose u dhignaa
Baaqii Muqdishu ee 16-kii December, ka soo baxay madasha wadatashiga qaranka waxaa lagu xusay in Barlamanka la soo dooranayo uu ka koobnaanado Aqalk Hoose iyo Aqalk Sare.
Waxaa kaloo baaqaa lagu xusay in metelaadda xubnaha Baarlamaanka guud ahaan ku saleysnaan doonto isku dheelitirka deegaan iyo qabiil.
Muddadii ka danbaysay waqtigaas, wadahadalo iyo wadaxajood ayay galeen madaxda dowlada fedaraalka iyo maamul goboleedyadu, kuwaas oo socday intii u dhaxaysay 17-27 Janaayo 2016 kana qabsoomay magaaloyinka Kismaay iyo Muqdishu.
Xumukumada Fedaraalka Somaliyeed iyadoo tixgelinaysa;
• Mabaadi’da ku xusnaa baaqi Muqdishu
• Talooyikii kasoo baxay wadatashiyadii lala yeeshay dadwaynaha Somaliyeed ee ku dhaqan gobolada dalka
• Himilada iyo hiiigsiga dadka somaliyeed oo hamuun u qaba inay doorashadu ku qabsoonto mudadii loogu talagalay iyo weliba in anu jiri doonin mudo korodhsi loo sameeyo xukumada ama Barlamanka
• Kulamadii wadadaxajoodka ahaa ee dhexmaray madaxda Somaliyedd heer federal iyo heer maamul goboleed oo suurto gelinwaydey in la helo hal habdorasho o wadar ogol ah
• Wakhtiga kooban ee hadhay, xalaada guud ee amni iyo tan siyaasadeed ee loo baahanyahay in laga gudbo
Iyadoo ka duulaysa qodobada kor ku xusan waxay xukumada Federaalka Somalia soo bandhigtay hanaanka dorasho ee hoos ku xusan, oo ay u aragto inuu yahay habka ugu haboon ee lagu hirgelin karo doorshada 2016.
Ra'isal wasaaraha xukuumada ayaa taarikhtu markii ay ahayd 27/01/2016 la wadaagay go'aanka dowlada madaxda maamul goboleedyada, Barlamanka Somaliyeed iyo wakiillada beesha calaamka oo dhammantood soo dhawaayey goaanka dowlada.
AQALKA HOOSE EE BAARLAMAANKA:
• Tirada kuraasta Baarlamaanka ee Aqalka Hoose waxay ahaanaysaa 275.
• Kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka waxaa lagu salaynayaa nidaam ka 4.5.
• Ugu yaraan 30% kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ayaa loo qoondeyn doonaa haweenka.
• Codeynta iyo tirinta doorashooyinku waxay ka dhacayaan caasimadaha dowlad goboleedyada Federaalka ee hadda jira iyo kuwa sameysmaya (iyadoo qorshe gaar ah loo sameyn doono Somaliland).
AQALKA SARE EE BAARLAMAANKA:
• Aqalka Sare ee Baarlamaanka waxa la dhisi doona ka hor inta aanay dhicin doorashada aqalka hoose ee Barlamanka.
• Aqalka Sare ee Barlamanku wuxuu ka koobnaan doonaa 54 xubnood.
• 48 ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ayaa si siman loogu qaybin doonaa dowlad goboleedyada federaalka ee hadda jira iyo kuwa sameysmaya.
• Xubnaha 6da ah ee soo haray ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka waxaa si siman loogu qaybin doonaa Somaliland iyo Puntland, iyadoo la eegayo maqaamkooda, biseylkooda siyaasadeed iyo sida ay uga koobanyihiin tirada gobollada ugu ballaaran.
• Ugu yaraan 30% ee kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka waxaa loo qoondeyn doonaa haweenka.
• Golayaasha Baarlamaanka ee dowlad gobolwedyada hada jira iyo kuwa samaysmaya aya soo dooranaya Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka
• Hannaankan waxaa la isticmaali doonaa oo kaliya xilliga Doorashooyinka 2016-ka.
Qoraalka kore ayaa ahaa waxyaabihii kasoo baxay shirka golaha wasiiradda Somalia, waxaana ay soo baxeen go'aamadan xilli Puntland sheegayso inaysan ku qanacsanayn islamarkaana maanta magaalooyinka waaweyne Puntland lagu qabtay banaanbax lagu taageerayo mowqifka Puntland ka sitaagtay arrimaha soo baxay.
GAROWEONLINE