Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyey sharci muhiim ah

Image
Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale warbixino ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Difaaca.

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu Guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Sharciga Canshuuraha Dakhliga iyo Xeer-Nidaamiyaha Maaraynta Maaliyadda Guud, Siyaasadda Deymaha iyo Hannaanka Amaahashada iyo Soosaarista Damaanadaha.

Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ku saabsan horumarka iyo dhismaha kaabayaasha Dhaqaalaha dalka ka dhageystay Wasaaradda Howlaha Guud oo soo bandhigtay Waddooyin laga dhisayo Garowe, Baydhabo Iyo Kismaayo — Iyo sidoo kale kuwo qorshuhu yahay in laga dhisay magaalooyinka Beledweyne iyo  Dhuusamareeb, halka magaalada Muqdisho laga hirgelin doono biyo mareenno iyo dhuumo qaada bullaacadaha.

Golaha Wasiirrada ayaa ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Difaaca howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ka soconaya qaar kamid ah gobollada dalka, waxa uu goluhu bogaadiyey howlgalladii ugu danbeeyey oo deegaanno dhowr ah looga sifeeyey argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM