Gollaha Iskaashiga maamulada oo ka hadlay heshiiska DF iyo HirShabelle [AKHRI]

Image
KISMAYO-War qoraal ah oo kasoo baxay Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyadda dalka ayaa waxaa looga hadlay heshiis ay ka gaareen maamulka HirShabelle iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya khilaaf siyaasadeed oo dhex-yaaley.
 
Heshiiska ay gaareen Dowladda dhexe iyo maamulka ayuu Golluhu sheegay inaanu waxba ka bedali doonin mowqifkii ay horey u qaateen, kaasoo ay xiriirka ugu jareen Villa Soomaaliya, ayna muhiim tahay in la xaliyo tabashooyin ay qabaan.
 
Madaxwayne Maxamed Cabdi Waare oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in talaabadani uu go'aan saday markii wax-garadka iyo aqoon-yahanyada reer HirShabelle ay shaaca ka qaadeen inay muhiim tahay in la hadlaan dowladda, taasoo uu sheegay in madaxda maamulada qaar aysan taasi dooneyn.
 
"Golluhu wuxuu si buuxda u gar-waaqsan yahay in dowlad goboleedka HirShabelle uu umadax banaan yahay ka tashiga iyo go'aan ka gaarista masiirka dowladeed iyo mid umadeed," ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Mashasha maamul goboleedyadda.
 
Bayaanka kasoo baxay Gollaha Iskaashiga Maamul Goboleedyadda ayaa tibaaxay in qaabka kaliya oo ay kusoo celin karaan wadashaqaynta dowladda Federaalka ay tahay in la yeeshaan wadahal miro dhal ah, kaasoo lagu lafaguro arrimaha taagan.
 
"Golluhu wuxuu madaxda sarre ee dowladda mar kale ku borrinayaa inay si dhab ah oo walaaltinnimo ah ugu soo jeesteen xalinta qadiyadda taagan. Taasoo ah wadahadal dhab ah," ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Gollaha Iskaashiga maamuladda.
 
 
GAROWE ONLINE 

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM