Gollaha Shacabka oo cod u qadaya lacago mugdi ku jira oo Beyle horkeenay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta cod u qaadaya ku noqoshada Miisaaniyadda 2018, taasoo muran uu ka tagan yahay.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Cabdiraxmaan Ducaalle ayaa ka codsaday Gollaha inay u ansixiyaan $22.5 Milyan oo Dollar oo dheeraad ah taasoo lagu kordhiyay miisaaniyadda 2018.

Lacagtan cusub $22.5 milyan ayaanan ku jirin miisaaniyaddii horey loo ansixiyay ee $274 milyan oo dollar, waxaana tani ay dood adag ka dhex dhalisay Xildhibaannada oo qaarkooda shaki ka muujiyay halka laga keenay iyo meesha lagu bixiyay.

Wasiir Beyle ayaa ku doodaya in 17 milyan oo kamid ah lacagta dheeraadka ah la siinayo ciidamada billaha kala ah October, November iyo December ee Sanadkan, halka $5.5 milyan oo kale lagu kabayo miisaaniyadda cusub ee 2019.

Waxa uu Beyle ugu yeeray lacagtan dheeraadka ah "miisaaniyad-kabid", iyadoo $17 milyan uu sheegay inuu kasoo jaray Khasarashaadka ku bxaya Wasaaradaha, halka inta kale ee $5.5 milyan laga soo bixiyay $80-kii milyan ee uu Bangiga Adduunka ugu yaboohay dhawaan in lagu kabo miisaaniyadda dowladda.

Waxaa jira warar sheegaya in $5.5 milyan [Shan Milyan iyo shan noqol oo Kun oo dollarka Mareykanka] ay tahay lacagtii bishii Ramadan-ka la siiyay Xildhibaanada Gollaha Shacabka, taasoo aan ahayn Mushaarkooda ama Gunnada ay qaataan ee sharci ahaanta u leeyihiin.

Dhammaan xildhibaannada ayaa la siiyay min $5000 (Shan Kun oo Doolar), waxaana la sheegay inay tahay lacag ay madaxda dowladda ugu talogaleen xildhibaannada, basle markii danbe magacyo badan yeelatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni: Soomaaliya waxay u baahan tahay taageeradii la siiyay Uganda xiligii Idi Amin

Shirweynahan ayaa sidoo kale ka qaybgalay madaxda kale ee Afrika, oo ay ku jiraan Ra'iisul Wasaaraha Jabuuti.

  • Soomaliya

    26-04-2025

  • 01:13PM

Cadaadis Saaran Midowga Afrika Kadib Hubanti la'aan soo wajahday Howlgalka Soomaaliya

In la kordhiyo tirada ciidamada AUSSOM ugu yaraan 8,000 askari si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro Al Shabaab.

  • Soomaliya

    26-04-2025

  • 10:34AM