Gollaha Shacabka oo dood adag ka leh sharciga Hantidhowrka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanadda Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dood adag oo ku saabsan sharciga Hantidhowrka qaranka ku leh xaruntooda Muqdisho.

Sharcigan ayaa maraya akhrinta saddexaad oo ah marka ugu dambeysay, waxaana la filayaa in Gollaha Shacabka uu maanta go'aan ka gaaro, ansixin ama diidmo midkood.

Sharciga oo ay soo diyaarisay wasaarada Maaliyadda ayaa dib loogu celiyay mar hore, oo ay wax ka bedal kusoo sameysay, xili ay kusoo wareejisay Guddiga maaliyadda ee Aqalka Hoose oo Gollaha Shacabka horkeenay maanta.

Xildhibaanada ayaa la filayaa inay soo gabagabeeyaan dooda la xiriirta wax ka bedalka sharciga, kaasi oo qodobo dhowr ah ay su’aal geliyaan, kuwaasi oo ay hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay in bidhaamiyo.

Fadhiyadii looga dooday akhrinta koowaad iyo labaad ayay sharci-dejiyaashu ku doodeen in wasaaradu qodobo aan loo baahneen kusoo dartay sharciga, inkasta oo aanan la hubin hadii laga soo saarey qodobadaasi.

Xubnaha wakiilada rayidka ayaa lagu wadaa in marka ay soo dhamaato dooda iyo akhrinta saddexaad ay cod geliyaan sharciga si uu unoqdo mid dhaqan-gal xili aanan laga hor-dhici karin natiijada coddeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM