Gollaha Shacabka oo kulan leh iyo Wasiiro cusub oo la dhaariyay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Gollaha Shacabka ayaa kulan uga furmay maanta xarunta Baarlamaanka xili dibadbaxyo rabashado wata ay ka soconayaan magaaladda Muqdisho.

Kulanki Afaraad ee Kalfadhiga 5aad waxana Kooramkiisa ku furmay 144 Xildhibaan, waxaana Shir Gudoominaya Guddomiyaha Golaha Shacabka JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman.

Ajendaha:

2-Ka doodista amniga
3-Dhaarin Wasiiro cusub

Waxaa kulanka lagu dhaariyay saddex Wasiir oo cusub, kuwaasoo kala ah Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Arimaha Dastuurka, Sadiiq Xirsi Warfaa iyo Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Fawsiya Maxamed, Wasiirka Tamarta Iyo Biyaha.

Kulankan kii ka horeeyay ayaa u qabsoomay waayay fowdo ka dhacay Gollaha Shacabka, kadib markii Xildhibaanada ay isku khilaafeen joogitaanka Saxaafadda.

Xildhibaanno ayaa ku eedeeyay Xukuumadda oo Wasiiradeeda ugu badan ay katirsan yihiin Baarlamanka in ay faragelin ku hayso howlaha Gollaha Shacabka oo kulamdiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhaliilay Baarlamaanka inuu ka gabiyay shaqooyinkiisa, iyadoo uu meel mariyay labo sharci oo kaliya kalfadhiyadiisii ugu dambeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM