Gollaha Shacabka oo kulmaya xilli khilaaf ka dhex-jiro

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xubnaha Gollaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay kulan ku yeeshaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho Arbacadda maanta ah, sida laga soo xigtay xafiiska warfaafinta Aqalka Hoose

Fadhigaan la rajaynayo inay soo xaadiraan mudanayaasha inta badan ayaa ajandaha looga doodayo wuxuu yahay Hindisa Sharciyeedka mashruuca Liilitirka, kaasi oo ay horey uga soo doodeen.

Xeerkani oo uu Golluhu marsiin doono akhrinta saddexaad ayaa la rajaynayaa inay dood dheer kadib u qaadaan cod, hadii ay waqti uhelaan si uu unoqdo mid dhaqangal ah, looguna geeyo Madaxwaynaha oo uu qalinka ugu jiido.

Hindisa Sharciyeedka mashruuca Liilitirka oo ah mid ku cusub dalka ayaa wuxuu xuquuq gaar ah siinayaa Xilldhibaanada iyo masuul kasta, kaasi oo xil usoo qabtay qaranka marka uu ka fadhiisto siyaasada ama dib loosoo dooran waayo.

Gudoonka Gollaha ayaa intii lagu guda jiray akhrinta koowaad iyo labaad waxay ugu baaqeen Xildhibaanadda inay meel-mariyaan sharcigaan, iyaga oo ku doodaya inuu yahay mid mustaqbalkooda ka fekeraya.

Kulankaan ay yeelan doonan mudanayaasha Aqalka Wakiilada rayidka ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyadda oo afartii kulan ee Golluhu yeelan lahaa ay u baaqdeen khilaaf xoogan uu soo kala dhex-galay.

Xiisadda ayaa ka dambeysay markii Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Gollaha Cabdiweli Ibraahim Muudey uu kala diray Guddiga hoosaadka Maaliyada, taasi oo ay kasoo horjeesteen Xildhibaano qaar oo sharci daro ku tilmaamay.

Kala dirista Guddiga oo lagu eedeeyay Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa timid markii warbixin uu Guddigu soo saarey ay toosha ku ifisay musuq-maasuq baahsan oo ka jira Wasaarada Maaliyada iyo maamulka gobolka Banaadir.

Lama xaqiijin karo hadii arrintani xal rasmi ah laga gaaray iyadda oo maalmihii lasoo dhaafay ay kulamo is-dabajoog ah yeelanayeen Afhayeenka Sharcidejinta, Mursal iyo madaxda ugu sareysa dowladda dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM