Gollaha Shacabka oo leh kulan xasaasi ah iyo ajandaha oo la shaaciyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Gollaha Shacabka, ee baarlamanka Soomaaliya, ayaa kulan la isagu yeeray, markii ugu horeysay tan iyo markii uu qarxay khilaafka ka dhashay kala dirista Guddiga Maaliyadda iyo Mooshinkii Farmaajo.

Xogheynta Gollaha Shacabka ayaa shaaciyay in ajandaha Kulanka maanta oo sabti ah [29-ka December] uu yahay akhrinta miisaaniyadda muranka badan uu ka taagan yahay ee 2019-ka, iyadoo Xildhibaanada ay dood kulul ka yeelan doonaan.

Kulanka ayaa la shaaciyay kadib markii wadahadal hoose lagu dhameeyay Khilaafkii ka dhashay kala diristii Guddiga Maaliyadda, iyadoo xubno mucaarad ku ahaa Xukuumadda laga saarey, kuwaasoo la sheegay inay diyaariyeen warbixintii musuq-maasuqa.

Gollaha Shacabka ayaanan yeelan oo ka baaqday 9 kulan kal-fadhigan, sababo la xiriira khilaafaadka siyaasadeed ee hareeyay guddoonka sare iyo madaxda dowladda Federaalka, taasoo ah mid curyaamisay shaqooyinkii baarlamaankan 10-aad.

Miisaaniyadda cusub ee akhrinta la marsiin doono maanta ayaa warbixintii bishii lasoo dhaafay lagu sheegay inay ka maqan tahay islamarkaana si qaldan loo isticmaalay $42 milyan oo dollar, oo qeyb ka ah $20 milyan oo kasoo hartay $50 milyan oo Sacuudiga dowladda Federaalka ugu deeqay 2017.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa warbixintii uu soo saarey Guddiga Maaliyadda ku tilmaamay mid been ah, oo aan waxba ka jirin isagoo ku doodey in lacagaha maqan loo isticmaaley miisaaniyada kabis sanadkan.

Hadii aysan Xildhibaanada mudada labada maalmood ee ka harsan bishan December ku ansixin Miisaaniyadda cusub, waxay Xukuumadda noqon doontaa kharash la'aan, taasina tahay mid walwel ku haysa Villa Somalia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM