Gollaha Shacabka oo maalintii labaad ka doodaya amniga Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maalintii labaad oo xiriir ah ka socota xarunta Gollaha Shacabka dood kulul oo ay Xildhibaanada ka sameynayaan arrimaha amniga dalka, gaar ahaan midka Muqdisho oo faraha ka baxaya.

Ku dhawaan 20 Xildhibaan oo kamid ah Xildhibaanadii shalay isku qoray inay jeediyaan khudbadaha ku saabsan ajandaha dooda amniga ayaa maanta la filayaa inay hadal-jeedin sameeyaan, iyadoo kulankii shalay aad loogu dhaliilay Xukuumadda Khayre.

Inta badan Xildhibaanadii shalay hadlay ayaa xukuumadda ku eedeeyay inay ku fashilantay wax ka qabashada amni darada ka jirta Muqdisho, iyagoo sheegay in iiskaaba daayee amniga shacabka oo la sugo koodii uu halis ku ku jiro, oo lagu dilayo irida Villa Somalia.

Kulankii shalay ayaa ahayd mid xasaasi ah, iyadoo kulanka uu socday saacado badan, iyadoo khudbadihii la jeediyay ay Xildhibaanada qaar ku difaaceen Xukuumadda fashilka amniga lagu eedeeyay. [Halkan ka akhri warbixinta].

Doodda amniga ee ka socota Gollaha Shacabka ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli maalmo kahor ay madaxda maamul goboleedyada dalka soo saareen qoraal ay ku sheegeen in amniga Muqdisho uu yahay mid aan la isku halleyn karin.

Madaxweynaha HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare oo Shir Jaraa'id ku qabtey Muqdisho kula taliyay Xildhibaanada laga soo doortey degaanada maamulkiisa inay feejignaadaan, isagoo xusay in dowladda aysan 100% gacanta ku heynin caasimadda.

Maalmo kadib digniinta Madaxweyne Waare, waxaa isku day dil ka badbaaday Xildhibaan Maxamed Mursal Barrow, kadib markii dhaawac culus kasoo gaarey qarax loogu xiray gaarigiisa habeenkii sabtida ee lasoo dhaafay.

Barrow ayaa gaarigii uu watey ku qarxay meel wax yar u jirta Villa Somalia, waxaana tani ay baqdin gelisay Xildhibaanada kale ee Barlamaanka iyo madaxda dowladda oo soo wajahay khatar culus oo dhanka amnigooda ku saabsan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM