Gollaha Wasiiradda HirShabeelle oo lagu sameynayo Isku-shaandheyn [XOG]

Image

JOWHAR - Madaxwaynaha HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu wadaa inuu isku shaadhayn uu ku sameeyo Gollahiisa Wasiirada xilli Xildhibaanno ay ka diyaarinayaan mooshin isaga xilka looga qaadayo.

Isku shaandheynta ayaa la filayaa inay dhacdo kahor inta uusan Madaxweyne Waare u socdaalin magaalada Kismaayo, halkaasoo uu ka furmayo shirka Gollaha Iskaashiga maamulada dalka 3-da bisha soo socota ee September.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in Madaxwayne Waare ay ku dhalatay isku shaandhayntaan kadib culuyso siyaasadeed oo uga soo food-saaray dhanka Xilldhibaanada maamulkaasi oo wado mooshin ay doonayaa inay xilka uga qaadaan.

Xilldhibaanada ayaa ku eedeeyeen Madaxwayne Waare in uusan dhaqan-gelin waxyaabihii ay ku doorteen oo uu balanqaaday markii uu xafiiska la wareegay sanadkii lasoo dhaafay, waxayna qaarkood kula taliyeen inuu is-casliso, sida la sheegay.

Waare oo ah shaqsi lasoo shaqeeyay Hay’addo UN-ka ka tirsan ayay ku doodayaan Xilldhibaanada qaarkood inuu u sheegay inuu hayo mashaariicyo kala duwan oo uu ka hir-gelinayo degaanada HirShabelle, kuwaasoo ay tilmaamayaan inaanu waxba ka qaban.

Xildhibaannada Mooshinka ka gudbinaya Madaxwaynaha maamul goboleedka HirShabeelle, ayaa sheegay inay doonayaan isbedal lagu sameeyo howlaha maamulka, kuwaasoo haatan si gabaabsi ah u socda.

Amniga degaanada HirShabeelle ayaanan laysku halayn karin, waxaana xusid mudan in Xilldhibaano maamulkaan ugu da’da yar kuwa dalka ka jira lagu dilay sanadkii hore wada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Jowhar, xili ay Al-Shabaab sheegatay.

Wararka laga helayo Jowhar ayaa sheegaya in Waare uu kulamo la yeelahay Xubnaha Mooshinka kawada, isagoo isku deyaya inuu ku qanciya inay baajiyaan mooshinka, isagoo u balan qaaday inuu isbedel la imaan doono dhawaan.

Sep 16, 2017 ayay ahayd markii Waare loo doortay Madaxwaynaha HirShabeelle, isagoo bedalay Cali Cabduulahi Cosoble, kaasoo ay Mooshin ku eryeen xubnaha sharci dejinta maamulkaas, wuxuuna ku eedeeyay inay ka dambeysay dowladda Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM