Goobaha uu Coronavirus "kasoo geli karo" Soomaaliya oo la shaaciyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay ku dhawaaqdey "meelaha laga cabsi qabo" in waddanka uu kasoo galo caabuqa sidda fudud ku faafa misana dilaaga ah ee Coronavirus.

Cabdullaahi Xaamud, wasiiru dowlaha xafiiska ra'iisul wasaaraha, ayaa Arbacada maanta ah hadalkaan ka dhawaajiyey.

"Kadib qiimeyn, meelaha waaweyn ee annaga khatarta naga soo geli karto waa [garoomada diyaaradaha], doonyaha, badda iyo xuduudaha," ayuu ku sheegay wareysi uu siiyey Telefishinka Qaranka.

Xukuumadda ayuu hoosta ka xariiqay in ay dardargelisay qorsheyaal ay kaga hortageyso in dalka uu soo gaaro xanuunkaas.

"Waxaan ogaanay in ay aad u fududahay in uu diyaaradaha naga soo gaaro cudurka, marka waxaan rabnaa in aan ahmiyadda saarno meelaha uu naga soo geli karo; Hargeysa, Garowe, Boosaaso, Baydhabo, Kismaayo iyo magaalada Muqdisho," ayuu raaciyey.

Saaxiibada caalamka ayuu ku tartarsiiyey in ay ka taageeraan Soomaaliya siddii ay kaga hortagi lahayd halistaas caalamiga ah.

Soomaalida ku nool dalalka laga helay cudurka ayuu ku waaniyey in ay muujiyaan "taxadar dheeraad ah" isla markaana hadii ay dalka kusoo laabanayaan ay iska xaqiijiyaan in ay qabaan cudurkaas.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa mar sii horeysay daaha ka rogtay in waddanka uusan kamid ahayn dalalka u nugul in uu soo gaaro Coronavirus oo laga xaqiijiyey in ka badan 60 kale oo caalamka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM