Goobta lagu dooranayo guddoonka Golaha Shacabka oo "la badalayo"

Image
27-ka April ayaa qorshuhu yahay in la qabto doorashada gudoonka golaha shacabka.

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed, guddoomiyaha guddiga doorashooyinka guddoonka Golaha Shacabka, oo hadlay Garowe Online Twitter Space ayaa sheegay in ay baaritaan u baahantahay rasaas haleeshay matoorkii qaboojiyaha xarunta uu ku shaqeeyo guddiga.

Xildhibaanka oo sheegay in doorashada gudoonka laga badali doono xarunta Viila Hargaysa ayaa sababta ku sheegay Xildhibaan Cabdirisaaq ayaa sababta ku sheegay in labadii fadhi u dambeysay ee Golaha Shacabka mar lagu soo tuuray Hoobiye shalayna oo xabad lagu dhuftay Qaboojiyaha xarunta Villa Hargeysa oo kuleel badan uu ka dhashay.

Gudoomiyaha guddiga ayaa sheegay in dedaal xooggan ay geliyeen sidii loo baddeli lahaa haanta Gaaska Qaboojiyaha ee Xabadda ku dhacday si aanay u baaqan hadal jeedinta musharixiinta Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad JFS.

"Sida ay wax u dhaceen in ay ula kac ahayd iyo in ay wiifto ku dhacday labaduba ma sheegi kari balse markii aan tagnay xarunta ayaa naloo sheegay in xabad ay ku dhacday Qaboojiyaha, maalintii dhawaad Hoobiye ayaa soo dhacay, waxaa xigay Qaboojiyaha oo xabad ku dhacday” Ayuu yiri Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo soo noqday wasiirka amniga Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa hadalkiisa ku daray "Waxa aan ku dedaalnay in aanay dib u dhicin hadal jeedinta oo aan qabaneyno maalintii 2aad, dabcan waan baddeli doonaa goobta lagu qabanayo Doorashada Guddoonka”.

Xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS ayaa dhacdooyinkaan is xigxiga ku sifeeyay qorshe lagu damacsan yahay in lagu baajiyo fadhiyadooda si dib loogu dhigo doorashada Dalka oo waqtigeeda kasoo durugtay.

27-ka April ayaa qorshuhu yahay in la qabto doorashada gudoonka golaha shacabka oo waqtigii loo qorsheeyay dib uga dhacay sababo la xiriira khilaafka ka dhexeeya madaxda dowlada Faderaalka iyo dowlad-goboleedyada dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM