Goorma ayuu furmayaa Kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka Soomaaliya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Mursal ayaa ku dhawaaqay maanta oo Isniin ah in Kalfadhiga afaraad ee Gollaha sharci dejinta dalka uu furamayo 10-ka September.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Mursal ayaa lagu wargeliyay Xildhibaanada Gollaha Shacabka ee dalka dibbadiisa ku sugan inay kusoo laabtaan caasimadda dalka Shan maalin kahor inta uusan furmin Kalfadhiga 4aad 5-ta bisha soo socota.

"Kalfadhiga 4aad ee Gollaha Shacabka Soomaaliya waxa uu furmi doonaa 10-ka bisha September. Mudanayaasha waxaan la farayaa inay yimaadaan caasimada dalka 5-ta bisha," ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xafiiska Afhayeenka Gollaha Shacabka.

Kalfadhiga 4aad ayaa waxaa horyaala shaqooyin kala duwan oo ay ugu horeeyaan Hindisa-sharciyeedyo, kuwaasoo dalka ku hagaya inay ka qabsoonto doorashada qof iyo cod ah sanadka 2020, taasoo loo balansan yahay inay qabsoonto.

Kalfadhigii saddexaad waxaa hareeyay Mooshino, kuwaasoo mid kamid ah uu ku baxay Afhayeenkii hore ee Gollahaan Maxamed Cusmaan Jawaari, waxaana shaqooyinka ay qabteen Xubnaha sharci dejinta Soomaaliya kalfadhigaas loo hayeen dhaliilo badan.

Xukuumadda Soomaaliya ayuu ku eedeysay Jawaari inuu waayo xilkiisa, taasoo haatan Gollaha Shacabka ku leh Xilldhibaano badan, xili la ogyahay in Gollaha Wasiiradda ay 75% ay yihiin Mudanayaal ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Tan iyo doorashadii Mursal, Gollaha shacabka ayaa howshiisa noqotay mid gaabis ah, iyadoo hogaanka cusub la sheegay inuu xiriir dhaw kala dhaxeeyo Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM