Goorma ayuu furmayaa Kalfadhiga Baarlamaanka Soomaaliya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in 10-ka bishan Maarso uu furmi doono Kalfadhiga 3-aad ee labada golle [Gollaha Shacabka iyo Aqalka Sare].

Madaxweynaha dowladda Soomaalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furi doono Kalfadhiga, isagoo u jeedin doono Khudbad Xildhibaanada labada Aqal waxaana xafladda furitaanka lagu qaban doonaa Machadka Tababarka Booliska General Kaahiye.

Farmaajo ayaa la filayaa in Khudbadiisa uga warbixiyo Xaaladda dalka, gaar ahaan amniga iyo horumaridii ay sameysay dowladdiisa mudadii labada bilood ee ay fasaxa ku maqnaayeen Xildhibaanada Baaralaamanka dalka.

Furitaanka Kalfadhiga 3-aad ayaa kusoo beegmaya xilli Al Shabaab ay kordhisay weerarada sidoo kalena uu khilaaf badan ka taagan yahay Canshuur cusub oo ay Wasaaradda Maaliyadda kusoo rogtay Ganacsatada Muqdisho iyo Gunooyinka Xildhibaanada.

Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegtay dhawaan inay diyaarisay Hindise sharciyeedyo dhowr ah oo ay doonayso inay u gudbiso Baarlamaanka, si ay u meel-mariyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM