Goorta la filayo in lagu dhawaaqo baarlamaanka cusub ee Jubaland

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Magaalada Kismayo xarunta KMG ah ee Jubaland ayaa waxaa ka socda diyaargarowgii ugu dambeeyey ee lagaga dhaawaqayo Barlaman maamulkaas yeesho ka hor doorashada Madaxweynaha taas oo laga filayo iney dhacdo inta lagu gudo jiro bisha August, sidaas waxaa GO u sheegey saraakiil ku dhow Madaxtooyada.

Sida warsidaha Garowe Online fahansan yahay, waxaa la filayaa in liiska Xildhibaanada cusub ee Jubaland lagu dhawaaqo 48 saac ee soo socota.

Barlamanka Jubaland ayaa waxaa xubnihiisa soo xulaya odey dhaqameedka maamulkaas kuwaas oo maalmihii la soo dhaafey liiska mudanayaasha cusub ka qabanayey beelaha dagan gobolada hoos taga maamulkaas.

Jubaland oo bilihii la soo dhaafey uu ka socdey olole siyaasdeed ee xoogan ayaa waxaa khilaaf u dhexeeya maamulka talada haya iyo dowlada Federaalka. 

Dowlada Federaalka oo aan qarsan diidamadeeda ku aadan in Madaxweyne Axmad Madoobe xukunka dib ugu soo noqdo ayaa waxaa lagu eedeyey iney faragalin ku hayso arimaha gudaha ee maamulkaas kadib markii ay tageertey qaar ka tirsan xubnaha u tartamaya xilka ugu sareeya maamulkaas, halka dhinaca kale ka hortimid qaabka loo diyaariyey iney doorashadaas u dhacdo.

Doorashada Jubaland oo noqoneysa midii labaad tan iyo intii maamulkaan dhidibada loo taagey ayaa waxaa la filayaa inuu dib isu sharaxo ninka ugu awooda badan musharaxiinta xilkaan raadineysa ee Axamad Madoobe.

Axmad Madoobe oo Jabhad uu hogaaminayo ay dib ugu qabsatey ururka Al-shabaab qaybo kamid ah degaanada Jubaland gaar ahaan magaalada Kismayo ayaa tageero siyaasdeed ka haysta dalka Kenya.

Kenya oo xuduud la leh maamulkaasi kamid ah kuwa xubnaha ka ah xukuumadda federaalka ayaa ciidamadeedu waxay qayb ka ahaayeen in xorreynta gobolkaas.

Kulan dhexmarey Jubaland iyo AMISOM ayaa warsaxafadeed ka soo baxay Madaxtooyada loo arimiyo maamulkaas waxaa lagu sheegey shan qodob oo ka hadlaya amni sugida inta lagu gudo jiro doorashada.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM