Goorta la go'aaminayo in ay Kenya ka baxeyso kiiska badda oo la shaaciyey

Image

NAIROBI, Kenya – Maxkamadda Sarre ee Kenya ayaa u muddeysay 7-da October in ay go’aan ka gaareyso hadii dowladda ay ka hor istaagayaan in ay ka qeybgasho dacwadda badda, sidda uu baahiyey Business Daily.

Kiiskan oo taagan tan iyo bishii August ee sanadkii 2014-kii ayaa waxaa gudbisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ay dacwadda kala dhaxeyso Kenya.

Go’aanka xeer-beegtada ugu sareysa Kenya ayaa yimid ka gedaal markii qareeno ay soo jeediyeen in xukuumada laga hor istaago in ay ka qeybgasho gal-dacwadeedkan heerka gabagabada ah maraya.

Labadan dal ee deriska ah ayaa isku haya goob ku taala xuduud oo badeedkooda yahay 100 KM isku wareeg ah hodanna ku ah noocyo kamid ah kheyraadka dabiiciga ah sida Shidaalka iyo Gaaska naqaska ah.

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka oo uu kiiskan haatan horyaalo ayaa dhowaan dib u dhigtay dhageysiga kiiskan oo loo madalsanaa 9-ka bisha September una bedeshay 4-ta November ee sanadkan 2019-ka.

Dib u dhigista ayaa ka dambeysay markii codsi uu ka yimid xukuumadda Nairobi oo ku aadan in ay baahan tahay waqti dheeraad ah oo ay ku qorato qareeno cusub oo difaaca doodeeda.

Dacwadan ayaa qodxo u yeelay cilaaqaadka diblumaasiyadeed ee labadda dal, kaasi oo haatan gaarey meeshii ugu adkaa, iyadda aysan jirin wax isu soo dhowaanshiyo ah oo haatan muuqda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM