Guddiga diyaarinta Sharciga Doorashooyinka oo la magacaabay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah wuxuu magacaabey guddi ku meel gaar ah kaasi oo diyaarinaya sharciga doorashooyinka qaranka ee 2020-21.

Guddigan oo ka kooban 15-xubnood ayaa waxay gebi ahaantooda ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, sidda ku xusan bayaan kasoo baxay xafiiska Maxamed Mursal Cabdiraxmaan.

Sidda ku cad war-saxaafadeedka, kaliya laba xubin oo dumar ah ayaa ku jira guddiga, kuwaasi oo kala ah; Xildhibaan Aamina Cabdi Maxamed iyo Sahra Cabdullaahi Cabdiraxmaan.

Magacaabistan ayaa imaaneysa iyadda oo madaxweyne Farmaajo uu Sabtidii madaxtooyadda uu ku qaabilay wakiilka UN-ka iyo safiirka UK oo uu kala hadlay arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka qaranka.

Kahor shirkaasi, Mursal ayaa wuxuu la kulmay xubno uu kamid yahay ergayga Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa iyo danjireyaal, isaga oo kala xaajoodey qodobo ay ku jiraan coddeyntan.

Aqalka Hoose waxaa hore loogu soo gudbiyey sharci ay meel-mariyeen Golaha Wasiiradda kaasi oo ay ka hor-yimaadeen qaar kamid ah maamul goboleedyadda iyo xisbiyadda siyaasadeed.

Ma cadda illaa iyo haatan hadii guddiga uu wax ka bedel ku sameyn doonan xeerkaasi iyo in ay mid cusub ay isku dabaridi doonan.

Soomaaliya ayaa isu diyaarineysa in ay qabato doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020-21, taasi oo ay uga gudbeyso nidaamka ku dhisan wax-qabsiga beelaha ee loo yaqaano 4.5.

Doorashadaasi ayaa noqon doonta mid ay xisbiga siyaasadeed oo haatan aad u badan ay metalaad ku yeelan doonan baarlamaanka, wallow la sheegayo in aysan ka duwaneen tan qabiilka.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM