Diiwaan-gelinta murashaxiinta doorashada Jubaland oo dib loo furay

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Guddiga Doorashadda Jubbaland ayaa wuxuu ka jawaabay laba dalab uu uga yimid Beesha Caalamka kadib kulan ay la yeesheen madaxweynaha maamulkaasi, Khamiistii.

Codsiyadda oo uu hoos u dhigay Axmed Madoobe ayaa waxay kala ahaayeen; in dib loo furo diiwaan-gelinta murashaxiinta iyo kordhinta maalinta coddeynta madaxweynaha.

Sidda ku xusan qoraalka oo ku taariikheysan 16-ka August, guddiga ayaa dib u furay diiwaan-gelinta tartameyaasha, waxaana ay bilaabaneysaa 17-ka bishan xili ay  ku ek-tahay 19.

Doorashadda xilka ugu sareeya dowlad goboleedkaasi ayaa loo muddeeyay 22-ka, iyadda oo inta u dhaxeysa diiwaan-gelinta iyo doorashada ay khudbad jeedin doonan siyaasiyiinta.

Wararka ku xeeran tanaasulka ka yimid guddiga doorashada iyo Maamulka Jubaland ayaa salka ku haya kadib markii ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha Soomaaliya shuruud kaga dhigey aqoon siga natiijada ka soo baxda doorashada Madaxweynaha ay tahay iyadoo dib loo furo liiska tartamayaasha islamarkaana la siiyo fursad kooxaha mucaaradka ah ku ololeeyaan.

Doorashada Jubaland ayaa sida muuqata ka duwan kuwii ka dhacey Maamulada kale ee Soomaaliya xili Beesha Caalamka gaar ahaan wadamada Al Shabaab kula dirira koonfurta Soomaaliya daneynayaan iney noqoto mid xasiloon oo aan abuurin rabshado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM