Jubaland oo dalbatay raalin-gelin xili ay diiday baaqa Beesha Caalamka

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Guddiga Doorashooyinka Jubbaland oo ka jawaabay dalabkii Beesha Caalamka ayaa ku gacan-seyray tallooyinkii ay soo jeediyeen UN, AU iyo IGAD.

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa waxay codsadeen qodobo ay kamid yihiin;

-Dib u furidda diiwaan-gelinta murashaxiinta

-Xalinta tabashooyinka murashaxiinta

-Wax ka bedelida shuruudaha lagu xiray siyaasiyiinta xilka madaxweynaha

Isaga oo ka duulaya soo jeedintaasi, guddiga ayaa wuxuu dib u furay diiwaan-gelinta murashaxiinta, wuxuuna dib u dhigay maalinta la dooranayo madaxweynaha xiga.

Hasa ahaatee, qoraal kasoo baxay xafiiska ergayga UN-ka ee Muqdisho, James Swan, oo lagu xusay in uusan ku qancin isbedelkaasi ayaa su’aal geliyey in ay taageeri doonan natiijada doorashada.

Swan oo ku tartarsiiyey guddiga in ay dhaqan-geliyaan tallaabooyinka kale ayaa waxa uu sheegay in dadka Jubbaland "aysan u dhameyn" nidaamka ay haatan ku socoto doorashadda Jubbaland.

Warqad kale oo ku taariikheysan 18-ka August kana soo baxday guddiga waxaa si cad loogu shaaciyey in uusan jiri doonin isbedel dambe oo ay sameyn doonan, ayna qaban doonan doorashada.

"Tan koowaad, Guddiga wuxuu si wadar ogol ah isugu raacay in aysan jirin talaabooyin kale oo daruuri ah oo loo baahan yahay si loo horumariyo doorashadda. Tan labaad, guddiga wuxuu rumeysan yahay in dastuurka iyo sharciga Jubbaland uu u ogolaanayo in qabashada doorashadda. Sidaasi awgeeda, doorashada madaxweynaha waxay kusii soconeysaa sidda loo qorsheeyay," ayaa lagu yiri qoraalka guddiga.

Doorashadda madaxweynaha oo ay isu diiwaan-geliyeen murashaxiin uu kamid yahay madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa lagu wadaa in ay qabsoonto 22-ka bishan August, sidda uu guddigu shaaciyay.

"Gabagabadii, guddiga iyo daneeyeyaasha waxay si xoogan u rumeysan yihiin in shacabka Jubbaland ay ku qanacsan yihiin geedi u socodka doorashadda, taasi oo kasoo horjeeda sida aad ku sheegtay warqadaadii [James Swan]. Waxaan wallaac iyo qalbi-jab aan ka muujinaynaa aragtida noocaasi ah; waxaan rumeysanahay in shacabka Jubbaland ay u qalmaan raaligelin ka timaada beesha caalamka oo ku aadan matalaada khaldan ee oraahdaasi," ayuu raaciyay guddiga.

Mowqifka adag ee uu qaatay guddiga ayaa waxaa nan la ogayn nooca ay noqon doonto jawaabta Beesha Caalamka xili dhinacyadda ay dhowaanhaba warqadda furan hawada isu marinayeen.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA GUDDIGA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM