Guddiga doorashada KG oo la dhameystiray [Magacyada]

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Afhayeenka Gollaha Wakiilada Koonfur Galbeed, Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa wuxuu soo dhameystiray xubnihii ka harsanaa Guddiga doorashadda ee dowlad goboleedkan xubninta ka ah Federaalka Soomaaliya.

Xubnaha ka harsanaa Guddiga oo gaaraya 15-ka xubnood oo lasoo magacaabay ayaa la hor-geeyay Fadhiga ay maanta oo Sabti ah ay ku yeesheen Baydhabo mudanayaasha Koonfur Galbeed oo cod u qaaday.

Sharci-dejiyaasha ayaa ugu dambeyntii si aqlabiyad leh ku meel-mariyay 15-ka xubnood, kuwaasi oo buuxin doona kuwa hore shaqadda uga tegay faragelin ay ku eedeeyay Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Doorashada Koonfur Galbeed oo xiiso gaar ah leh sanadkaan ayaa loo balansan yahay inay qabsoonto 28-ka bishaan November 2018 xili ay ku loolamayaan in ka badan afar murashax oo ay qaarkood wadato Villa Somalia.

Madaxda dowlada dhexe ayaa ka saxiixday Shariif Xasan Aadan oo is-casilay kadib is-fahan siyaasadeed uu dhex-maray isaga iyo Madaxtooyadda inay wasaarada arrimaha gudaha Federaalka inay maamusho coddeynta.

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Koonfur Galbeed waxaa laga dareemayaa diyaargarowgii ugu dambeeyay oo ay sameynayaan Murashaxiinta xili Hoteeladda ay ka socdeen kulamo lagu xuuraansanayo codbixiyaasha oo Xilldhibaanada ah.

HOOS KA AKHRI LIISKA MAGACYADDA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM