Guddiga doorashada Somalia oo soo gudbiyey caqabadaha uu la kulmay [AKHRI]

Image

MUQDISHU, Somalia- Qoraal warsidaha GO soo gaarey ayaa sheegaya caqabadaha hortaagan doorashada Somalia kaasoo guddiga doorashada ee heer Federaal u gudbiyeen madaxda Somalida ee ku shirsan Muqdishu.

Shirka madaxda Somalida oo ka furmey magaalda Muqdishu ayaa guddiga doorashada ee heer Federaal waxa ay hor dhigeen caqbadaha hortaagan in doorasho ka qabsoonto Somalia taasoo la filayo in Bisha October 30, 2016 la doorto Madaxwynaha Somalia.

Guddiga ayaa ka hadlay caqbadaha dhaqaalaha ee hortaagan in doorasho laga qabto dalka, khilaafyada u dhexeeya odey dhaqameedyada 135 ah, arinka gobolka Banaadir, muran Qabaa'ilka matalaya Somaliland, qoondada dumarka oo mushkilad weyn ah iyo  arinka gobolada Hiraan/ Shabeelaha dhexe kasoo u baahan in xal laga gaaro.

Qoraalka oo nuqul kamid ah soo gaarey xafiiska Garowe Online ayaa u muuqda in guddiga eeda saarayo madaxda Dowlada Federaalka iyo maamulada Somalia kuwasoo ka gaabshey xal ka gaarista arimaha taagan iyo  dar-dar galinta howlaha doorashada Somalia.

Qoraalka guddiga ayaa hordhac u ah warar dhowaan saxaafada qortey kuwasoo sheegayey in wax laga badalo hanaanka doorasho ee Somalia.

Gudiga doorashada ayaa ka digey hadii arimaha taagan xal laga gaari waayo khatar tahay in doorashadu buburto.

HALKAN KA AKHRI QORAALKA GUDDIGA U GUDBIYEEN KULANKA MADASHAFIEIT Letter to NLF - final233_06_Sep_2016-223410_signed.pdf

GAROWEONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM