Guddiga doorashada Soomaaliya oo cadaadis xoog leh wajahaya [Sabab]
MUQDISHO, Soomaaliya - Beesha Caalamka ayaa cadaadis ku saaraya gudiga doorashooyin in dalka Soomaaliya ay ka qabsoonto sanadka 2020 doorasho ka duwan kuwii hore ee nidaamka qabaliga ee 4.5-ka.
Kulan todobaadkii hore ka dhacay magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaasoo dhinacyo kala duwan ay kasoo qayb galeen waxaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod.
Xubnihii ka qeybgalay kulank ayaa sheegay inay doorasho qof iyo cod ka dhici karto dalka, laakiin ay muhiim tahay in loo maro wadadii lagu gaari lahaa, taasoo ay qeexeen inay u baahan tahay ka "go'naansho iyo waliba shaqo adag."
Guddiga Doorashadda madaxa banaan, ayay ku nuux-nuux sadeen kasoo qayb-galayaasha inay yihiin kuwa ay tahay inay dalka gaarsiiyaan doorasho qof iyo cod, iyaga oo cod dheer ugu baaqay inay ka yimaadaan "howlkarnimo iyo daacadnimo".
Robert Gerenge, oo ah xubin ka ah Guddiga Midowga Afrika ee arrimaha doorashadda Soomaaliya e 2020 u qaabilsan, islamarkaana ah Lataliye sarre ayaa sheegay inay qabsoonto doorasho ka duwan kuwii hore ay muhiim utahay Soomaaliya.
Wuxuu qiray inay jiraan caqado dalka haysata, kuwaasoo sababi kara inay dhacdo doorasho qof iyo cod, laakiin wuxuu tilmaamay in hadii wax laga sii baaraan daggo ay u qabsoomi karto sidii loo qorsheeyay, taasoo uu sheegay inay tahay waxay doonayaa.
"Nooca doorasho oo ay Soomaalidu dooneyso inay qabsato waxaa leedahay saameynteeda, maxaa yeelay xaalado badan oo jira kuwaasoo udub dhaxaad u ah xudunta doorashadda. Nidaamka doorashadda, dib u heshiisiinta, iyo hay'addaha siyaasadda, ayaa ah waxa muhiimka ah ee u baahan in la qaabeeyo," ayuu yiri Robert Gerenge.
Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu tilmaamay in amniga ay kamid tahay caqadaha ugu waa wayn ee jira, laakiin wuxuu sheegay inay kasii muhiimsan tahay in la helo xasilooni siyaasadeed, taasoo ka qayb qaadan karta ayuu leeyahay dib uheshiisii iyo siyaasad loo dhab yahay.
"Xasilooni siyaasadeed oo ka hanaqaada Soomaaliya waxay leedahay muhiimad gaar ah, maxaa yeelay dalka wuxuu ku jiray khilaaf, waxayna dhabaha u xaari kartaa, dib u heshiis, siyaasad loo dhan yahay iyo dowlad wanaag," ayuu hadalkiisa raaciyay.
Soomaaliya waxaa sanadihii ugu dambeeyay ay la qabsatay doorasho ku dhacday nidaamka qabiilka ee 4.5, laakiin beesha caalamka iyo dadka daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa eegaya inay dalka ka qabsoonto dooraho ka duwan taasi sanadka 2020.
Doorashadda 2020 ayaa loo madal-san yahay inay noqoto mid qof iyo cod ah, laakiin aanan waxba ka duwaneen nidaamka Qabiilka ee 4.5, taasoo Xisbiyadda siyaasadda ee dalka ka jira ay matalaad ku yeelan doonan Gollaha Sharci dejinta.
GAROWE ONLINE