Guddiga Gaadiidka ee Golaha Shacabka oo Wasiirka Gaadiidka Su'aalo ka weydiinaya dhacdadii Garoonka

Image
Boqolaal dadwayne ah ayaa Saaka iyo Shalay ku Xayirnaaa garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Muqdisho, Soomaaliya - Guddiga Gaadiidka ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeeray wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada si ay su'aalo uga weydiiyaan dhacdadii shalay iyo maanta Garoonka Aadan Cadde ee lagu hakiyey duulimaadyadii shacabka.

Warsaxaafeed uu soo saaray Guddiga Gaadiidka ayaa lagu sheegay in Wasiirka wax laga weydiin doono caqabadda ka dhalatay arrintaan oo Saameyn weyn ku yeeltay Shacabkii safar-ka ahaa.

Dhanka kale, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo soo saartay warmurtiyeed ayaa sheegtay inay ka xuntahay falkii ka dhacay Garoonka.

Wasaaradda ayaa sheegtay in dhammaadka Sanadkii 2022 ay heshiis la gashay shirkadaha Diyaaradaha kaas oo ku saabsanaa wada shaqeynta Wasaaradda iyo Shirkadaha Diyaaradaha si loo saxo khaladaadka ka dhaca shirkadaha Diyaaradaha.

Waxay intaasi raacisay, “Waxaan Shacabka Soomaaliyeed u cadeyneynaa in dhacdadii maanta ay ka dhalatay ka dib markii ay shirkadaha Diyaaraduhu ay u hoggaansami waayeen awaamirta Wasaaradda.”

Waxaa Saakay ku xayirnaa garoonka diyaaradaha Muqdisho boqolaal dadwayne ah oo ay ku jiraan qaar xanuunsan kadib markii is-faham-waa uu ka dhashay bixinta lacago dheeraad ah oo la sheegay in ay soo rogtay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax khasaare u geystay ciidanka difaaca Puntland oo ka dhacay gobolka Bari

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayso walaaca laga qabo habsami u socodka hawlgallada Puntland.

  • Soomaliya

    13-03-2026

  • 07:10PM

Maxaa looga hadlay shirka saddex-geesood ah ee ka dhacay Jabuuti?

Sida ay sheegeen mas’uuliyiin, wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    12-03-2026

  • 09:36AM