​Guddiga hirgelint doorashada oo hadlay

Image

MUQDISHU, Somalia- Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee heer Federal Cumar Dhegay ayaa saxaafada uga warbixiyay hawlaha horyaala, iyadoo muddo 19 cisho ah oo keliya ay ka dhimantahay wakhtigii loogu talo galay soo xulista baarlamaanka.

Cumar Dhegay ayaa ku sheegay shir-jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho in madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ay go’aan ka gaari dooraan jadwalka doorashada.

Dhegay ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo in doorashadu qabsoomayso wakhtigii loogu talay iyadoo ay jirto cabsi laga qabo in doorashada dib loo dhigo ugu yaraan labbo bilood.

Gudoomiyaha guddiga hirgelinta doorashada heer federal ayaa intaas raaciyay inay qorshohooda iyo hanaanka kharashaadka doorashada diyaar-garowgeeda ay horgeyn doonan madaxda Soomaalida oo filayo inay Asbuucan shir isugu yimaadaan magaalada Muqdisho.

Gudoomiyuhu, wuxuu u sheegay musharixiinta u taratamaysa doorashada inay ixtiraamayaan islamarkaana ay xooga saari doonaan dhexdhexaadnimo iyo hufnaan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku fashilantay inay qabato doorashada wakhtigii loogu talo galay, waxaana magaalada Muqdisho ka socda dadaalo lagu doonayo in jadwal cusub loogu soo saaro doorashada kaasoo khilaafi doona midkii lagu hishiiyay magaalada Baydhabo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM