Guddiga ku meel gaarka Tacliinta sarre ee Soomaaliya oo la magacaabay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Waxbarashadda Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa waxa uu magacaabay guddiga ku meel gaarka Tacliinta sarre ee dalka.

Sidda ku xusan bayaan ku taariikheysan 9-ka bisha September 2019-ka, xubnahan guddigan oo shan xubnood ah ayaa waxaa haweeney ka ah hal oo kaliya.

Maxamed Good oo kamid ah xubnaha guddiga ayaa wuxuu noqon doonaa gudoomiye, halka xoghaye guud looga dhigay Aamina Maxamed Abuukar.

Qoraalka lagu shaaciyey in waajibaadka guddigan uu wasiirku ku fahfaahin doono digreeto kale, wallow aanan la muddeynin goorta uu soo bixi doono habraacaasi.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM