Guddiga Maaliyadda BFS oo ka jawaabay dhaliil uga timid Bayle

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xoghayaha Guddiga Maaliyadda xubnaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa si adag wuxuu kaga jawaabay dhaliil uga timid wasiirka maaliyada.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, wasiirka lacagta ee xukuumada Soomaaliya, oo ka fal-celiyay warbixin ku saabsan musuq-maasuq, oo uu Guddiga soo saarey ayaa gabi ahaanba ku tilmaamay mid “aanan run ahayn”.

Qormadda Guddi hoosaadka Aqalka Hoose ee Maaliyadda oo inta badan laga soo xigtay Hanti-dhowrka iyo Xisaabiyaha ayaa su’aal waxaa laga keenay halka ay ku baxday 20 milyan oo 50 malyuun uu Sacuudiga ugu deeqay dowladda.

“Eek run ma ahan..Waxba nagama aysan waydiinin hadii lacagtii taalo ama aysan yaalin…Waxa laysku hayo waa xisaab….Cidii 2+2 ka dooneysa 5, laga yeeli mayo, is-fahan daro inay jirto baa laga yaabaa,” ayuu Bayle u sheegay VOA-da lanateeda afka Soomaaliga.

Wasiirka Maaliyadda oo umuuqday mid si carro leh kaga jawaabaya eedaynta wax is-dabamarin ee loosoo jeediyay oo uu si xoogan isaga bari-yeelay ayaa tilmaamay in Guddigu “aanu wax caddeymo ah haynin”

Dhinaca kale, Cabdullaahi Maxamed Nuur, Xoghayaha Guddiga Maaliyada ee Gollaha Shacabka, oo ka jawaabaya dhaleecaynta ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in wasiirka uu warbaahinta ku dhaliilo iyaga.

Xoghaye Nuur ayaa taasi bedalkeeda wuxuu sheegay inaanu dooneyn in wasiirka uu u jawaabo, balse wuxuu si cad u sheegay inay hayaan caddeymo ku filan, ayna soo bandhigi doonan marka uu Balye hor-yimaado Gollaha.

“Halkaan ugama jawaabayo wasiirka…Golle aan ku doodno ayaan leenahay…Caddeymaha aan hayno marka uu Golluhu horyimaado ayaan soo bandhigeynaa, isna markaasi hakeeno wuxuu hayo,” ayuu raaciyay Xoghayaha.

Arrimahaan oo dhan ayaa kusoo aadaya xili dowladda haatan jirta ay ic-laamisay "jidaad ka dhan ah" musuq-maasuq, waxayna warbixinta Guddiga Maaliyada Gollaha Shacabka ay dharbaaxo ku noqoneysaa taasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay abaabulka kooxo hubeysan oo lagu beegsanayo Lafagareen

Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in kulammo gaar ah oo ka dhacay Muqdisho ay qeyb ka yihiin qorshe siyaasadeed.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 05:39AM

Garoonka Diyaaradaha Doolow oo Dib Loo Furay Kadib Xayiraad Mudo Socotay

Mudadii ay xayiraaddu jirtay, dad badan oo ka yimid gobolka Gedo ayaa la daalaa dhacayay helitaanka adeegyada caafimaad.

  • Soomaliya

    11-05-2025

  • 01:25PM