Guddiga Xuduudaha: PL mooyee, maamulada kale sharci maaha

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xubnaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixin ka dhageysatay Guddiga Xuduudaha Qaranka.

Guddiga ayaa u mariyey mudaneyaasha xog-uruurin ay kusoo sameeyeen sohdimadaha ay wadaagaan dowlad goboleedyadda dalka.

Abuukar Cabdi, xubin kamida guddiga, ayaa shaaciyey in ay ka shaqeynayaan sidii ay xal ugu heli lahaayeen muranada dhanka xuduudaha ee ka dhaxeeya maamulada qaar.

Puntland iyo Somaliland oo xurguf dhanka xuduudka ay dhextaalo taasi oo ay ka dhalatay gacan ka hadal dhimasho keenay ayaa isku haya degaanka Tukaraq.

Ciidamada maamulka gooni isu taaga ah ee Hargeysa ayaa bishii June ee sanadkii hore 2018 dagaal ku qabsaday degaankaasi oo ku yaala duleedka magaalada Garowe.

Sidda ku cad warbixinta Guddiga, xuduud dhulkeed ay wadaagaan maamulada oo ay ku jirto Somaliland ayaa waxa ay kala yihiin sidaan soo socota;

Jubaland-Koonfur Galbeed – 518 dhirir iyo 10, 360 badka
Koonfur Galbeed-HirShabelle – 356 dhirir iyo 7,120 badka
Koonfur Galbeed-Banaadir – 24 dhirir iyo 480 badka
HirShabelle-Banaadir – 20 dhirar iyo 520 badka
HirShabelle-Galmudug – 340 dhirir iyo 6,800 badka
Galmudug-Puntland – 276 dhirir iyo 5,520 badka
Puntland-Somaliland – 432 dhirir iyo 8,640 badka

"[Waxaa jira maalmo uu khilaaf culus uu ka jiro], siyaasi awgeed cabirka haatan la qaatay waa qiyaasta ugu dheer," ayuu hadalkiisa kusii daray Abuukar Cabdi.

Geesta kale, Khaliif Cabdikariin Maxamed, Gudoomiyaha Guddiga xuduudaha Qaranka, ayaa daaha ka rogay in ay dib ugu laabanayaan sharciyada ay ku dhisan yihiin dowlad goboleedyadda marka laga reebo Puntland.

"Dowlad goboleedyada oo ay ahayd in ay kor kasoo dhismaan, hoos bay kasoo dhismeen xitaa dowlada federaalka … wadankaan oo aan gacan lagu hayn baa dowlada banaanka lagu soo dhisay, korbaa laga keenay maamulada sidaasi oo kale wadii dowlada bay ku dhismeen, Puntland oo ka horeysay mooyee, waxaas oo dhan waxaan keenay fowdo iyo is-dil aan macno lahayn," ayuu Mr Khaliif u sheegay Xildhibaanada Aqalka Sare.

Ugu dambeyntii, guddiga ayaa ka dalbaday xukuumada Farmaajo in ay qaboojiso xiisaa kala dhaxeysa maamulada xili uu haatan uga socdo magaaalda Garowe Shir Wadatashi ah.

Soomaaliya ayaa qadaatay nidaamka federaalka oo ay hormuud u tahay Puntland oo ah maamul dhisan in ka badan 20-sano ayna u dhameystiran yihiin hay’addihiisa dowliga ah sida amniga iyo garsoorka.

Hadalka Guddiga Xuduudaha Qaranka ayaa waxa uu kusoo aadayaa iyadda oo lagu wado in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah 2020-ka, taasi oo su'aallo badan la gelinayo in ay qabsoomi karto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo sii daba-dheereeyay Khilaafka Siyaadeed

Ajendaha shirka waxaa ka mid ahaa taageeridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 09:11AM