Guddiyo madaxda maamulada Soomaaliya iyo DF isku koobeen oo kulan ku leh Nairobi
NAIROBI- Kulan magaalada Muqdisho bishii la soo dhaafey ku dhexmarey madaxda maamulada Soomaalida iyo dowlada Federaalka ah kuwasoo la magac baxay Golaha Amniga Qaranka ayaa
lagu go’aamiyey in guddi 10 xubnood ah kasoo talo bixiyaan nooca doorashadda 2020-ka ka dhacaysa Soomaaliya iyo qodobo kale oo muhiim u ah maasiirka dalka.
Guddiyadaan oo Ra’isal wasaaraha dowlada Federaalka ah dhowaan magacaabey ayaa waxa lagu kooobey iney noqdaan xubno madaxda maamulada iyo dowlada Federaalka soo xushaan kuwasoo ka kooban shaqsiyaad madaxdan aad ugu kalsoon tahay. Xubnahan ayaa maalmahaan shir uga socda magalada Nairobi si ay go’aan uga gaaraan qodobada looga wada hadli doono kulan madaxdaan ku yeelaneyso dhamaadka bishaan xarunta KMG ah ee mamaulka Koonfur Galbeed.
Golaha Amniga Qaranka iyo guddiyadda la magacaabey ayaa waxay gebi ahaan la wareegeen shaqaddii Hay’adaha Dowlada heer Federaal iyo maamul goboleed kuwasoo kala ah:
1- Cabdi Cali Raage Ali ( Waxaa uu ka socdaa Xafiiska Madaxweynaha Jubaland)
2- Cali Shaameey, Raxanweyn ( Xafiiska MadaxweynahaKoofur Galbeed)
3- Burhan Dio mio ( Wakiilka Madaxweynaha Puntland ee magalaada Muqdisho)
4- Eng Tubaako, Habargidir ( Madaxweynaha Galmudug)
5- Makaraan ( Madaxweynaha maamulka Hirshabelle)
6- Xasan (Gobolka Banaadir)
7- Mohamed Abdirisak ( Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya)
8- Avv. Omar Dhagey, ( Xafiiska RW Somalia)
9- Cabdiqani Jamac ( Xafiiska RW Somalia)
10- Cali Cismaan (Wasaaradda Arimaha Gudaha)
11- Keynaan ( Xafiiska RW, Xubin dadban)
12- Yaxye ( Agaasimahii hore ee Wasaarada arimaha gudaha , RW xafiiskiisa, xubin dadban).
*Burhaan Dio ayaa sida wararka aan ku helyno dalka Canada ugu maqan arimo Qoys iyadoo wararka madax banaan u sheegeen GO in Madaxweyne Gaas ku soo badashay nin la yirahado Cabdirizaq ‘Eelaay’ aad isugu dhow yihiin.
*Dhamaan xubnaha kor ku xusan ma aha dadkii loo doortey iney matalaan shacabka ku nool dalka Soomaaliya sida xildhibaano, gole xukuumadeed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Soo shaacbixista kulamadaan Nairobi uga socda xubnahaan ayaa ku soo beegmaya xilli maalintii shaley qoraal ay soo saareen guddiga dib u eegista Dastuurka KMG ah u qaabilsan Barlamanada Federaalka ah iyagoo sheegey iney kalsoonida kala noqdeen Wasiirka Dastuurka Xoosh kadib markii lagu eedeeyey inuu affuubey howlaha dib loogu eegayo Axdiga Qaranka.
Doorashadii dadbaneyd ee ka dhacdey dalka Soomaaliya oo lagu soo doortey ( xubnaha Barlamanada Soomaaliya) ayaa waxa la go’aamiyey iney u dhacdo nidaamka 4.5 iyadoo kasoo shaqeynta barnaamijkaan lahaayeen guddiyo kuwaan oo kale ah kuwasoo ay soo xusheen madaxda dowlada Fedraalka ee xiligaas joogtey iyo kuwa maamulada Soomaaliya.
Dib ugu noqoshada nidaamka doorasho ee 4.5 sanadkii 2017 ayaa waxaa xiligaas doorbidayey Madaxweynahii tartanka looga adkaadey iyo Ra’sal wasaarihiisa kaasoo markii dambe musharax noqdey waxayna u adeegsadeen qaadashada nidaamkaaa markale madaxda maamulada oo markaas dhaafsadey dano siyaasadeed iyaga gaar u ah iyo dhaqaale.